Turkiga Iyo Ruushka Oo Hawada Isu Marinaya Hadalo Qalafsan

0
635

Picture2Diyaarad Ruushka uu leeyahay oo ah nooca Su-24 ayaa lagu soo riday dalka Suuriya.

Saraakiil militeri o Turki aha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ay soo rideen diyaaraddaasi oo ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Warbaahinta Turkey-ga ayaa sheegtay in diyaaradda dagaalka ah ay ku dhacdey gudaha Suuriya.

Muuqaal la soo bandhigay ayaa laga arkay diyaaradda oo gubanaysa xiliga ay dhulka ku soo dhaceysay.Labadii duuliye ee kaxeynayey diyaaradda ayaa ka soo booday, Saraakiisha Turkey-ga ayaa tilmaamey diyaaradda in digniino loo gudbiyey ay dhagaha ka fureysatey.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto diyaaradooda dagaal ee Turkigu ku soo riday Suuriya.

Valadamir Putin ayaa dhabarjebin ku tilmaamay weerarka uu militariga Turkigu ku soo riday diyaaradooda dagaalka.

Telefishonka Al-Carabiya ayaa soo bandhigay sawir laga arkaya wax u muuqda maydka mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda.

Balse madaxweynaha Ruushka Putin waxaa uu sheegay in diyaaradda ay afar kilomitir u jirtay xadka Turkiga marka la soo ridayay.