Shirkadda Telesom Oo $50,000 Ugu Deeqday Dhismaha Waadhka Gargaarka Degdega Ee Cusbitaalka Hargeysa

0
610

Picture1Hargeysa (Geeska)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa maanta ka qayb-qashay munaasibad  lagu dhagax dhigaayey dhismaha waadkha Gargaarka degdega ah ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxaanay shirkaddu halkaasi kaga dhawaaqday $50,000 oo ay kaga qayb-galayso dhismaha cusub ee loo dhisi doono Waadhkaas.

Xafladdan dhagax dhiga oo ay ka soo qayb-gashay marwadda kowaad ee madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga, Basaabaaka Gobolka Awdal, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa iyo masuuliyin kale oo ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland.

Dr. Axmed Cumar Askar Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo ka hadlay munaasibadan dhagax dhiga ayaa soo dhaweeyey masuuliyiinta ka soo qayb-gashay munaasibadda dhagax dhiga waxaanu si gaar ah amaan ugu soo jeediyey shirkadda Telesom oo tilmaamay inay ka qayb qaadanayso qaadhaanka lagu dhisaayo Waadhka gargaarka degdega ah ee Cusbitaalka Hargeysa.  Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsaday baahida weyn ee loo qabo dhismaha waadhkan, waxaanu ku baaqay in dhismihiisa si weyn looga qayb qaato.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo oo sharaxaad ka bixiyey lacagaha ay shirkadda Telesom ugu deeqday adeegyadda caafimaadka cusbitaaladda danta guud ah, isagoo ka hadlay arimahaasi waxaa uu yidhi, “Sida aad la socotaan shirkadda Telesom waa shirkadd waddaniya oo dalka ka shaqaysata, wax fara badana dalka way u qabtay, maanta waxaanu ku deeqnay $50,000 oo aanu kaga qayb qaadano dhiska loo samaynaayo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, markii kowaad ee aanu bixinay maaha sanadkan oo qudha cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh ee caruurta $15,000 baanu ugu deeqnay, booyad cusbitaalka u dhaamin doonta $20,000 oo dollar ayaanu ugu deeqnay waa isla sanadkan, marka guud ahaan la isku daro lacagtaasi waa $85,000 oo dollar. Runtii waxaanu lacagahan u galinaynaa wadankayaga waanu ka shaqaysanaa faa’iido badan baa naga soo gasha, amni badan baanu ku haysanaa in waxyaabaha dadku wadda leeyahay ee danta guud laga wadda qayb qaataana waa lagama maarmaan”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise Xaglo-toosiye oo ka hadlay dhagax dhigan ayaa sheegay in Waadhka Gargaarka degdega ahi uu ahaa mid aad u yar oo loogu talo galay dadka kooban waxaanu sheegay in baahi weyn loo qabo dhisme loo sameeyo, wasiirka oo u mahadnaqay shirkaddaha ka qayb-qaadnaaya ayaa yidhi, “Waxaan u mahad-celinayaa shirkadaha ama ganacsatadda ka qayb qaadatay dhismahan ee ay imika Telesom ka mid tahay, Dahabshiil baa balan qaaday, maayarka dawladda hoose oo isna lacag fara badan ku deeqay, xukuumadda miisaaniyadda waxaa noogu jira lacag badan”. Sidaasi waxaa yidhi Wasiirka Caafimaakd Dr. Xagla-toosiye.

Shirkadda Isgaadhsiitna casriga ah ee Telesom ayaa si weyn uga qayb-qaadata horumarinta adeegyadda guud ee bulshadda waxanay lacago fara badan ku bixisay dhismaha wadooyinka, cusbitaaladda, Jaamacaddaha, iskuuladda iyo baahiyaha kale ee bulshaddeedu uga baahato guud ahaan dalka oo dhan.