Faahfaahin Ku Saabsan Ergayga Bedelay Nicholas Kay

0
676

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Isniintii u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Somaliland iyo Somaliya, Michael Keating oo u dhashay dalka UK, isagoo bedeli doona Danjire Nicholas Kay oo hadda haya xilka maamulka xafiiska UNSOM.

Nicholas Kay ayaa waxay  shaqadiisu ku eg-tahay bisha December, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeya uuu xilka la wareegi doono danjiraha cusub ee QM, Michael Keating.

Ban Ki-Moon ayaa uga mahadceliyay Nicholas Kay howshii uu soo qabtay intii uu hayay xilka UNSOM, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa geesi si hufan howshooda uga soo baxay, uuna shaqeynayay muddo laba sanno iyo badh ah.

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee QM, Keating tan iyo sannadkii 2012-kii agaasimaha Chatham House.

 Sidoo kale, Keating ayaa wuxuu horay u soo noqday la-taliyaha guud ee xoghayaha QM ee Arrimaha Suuriya. Wuxuu kaloo ku xigeenka u ahaa Wakiilka gaarka ah ee Ban Ki-Moon iyo xidhiidhiyaha Gargaarka Bani’aadamnimo ee Afgaanistaan intii u dhexeysa 2010-kii illaa 2012-kii.

Dhanka kale, wuxuu horay QM uga soo qabtay xilal kala duwan; isagoo kasoo shaqeeyay dalalka kala ah; Malawi, Gaza/Jerusalem, New York, Afghanistan iyo Pakistan. Dhanka shaqooyinka gaarka ah wuxuu kasoo shaqeeyay shirkado gaar loo leeyahay; isagoo inta badan ka howlgeli jiray arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha iyo barnaamijyada horumarinta.

Ugu dambeyn, Michael Keating ayaa ka bartay cilmiga Taariikhda Jaamacadda Cambridge ee dalka Britain, wuxuuna ku dhashay sannadkii 1959-kii magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda, isagoo leh xaas iyo afar carruur ah.