Trump: Waalidkii Waxa Uu Ahaa Soo-Galayti, Aabihii Nolol Deeqsinimo Leh Ayaa Uu Ku Soo Koriyey, Hooyadii Waxa Ay Ahayd Raalliya, Walaalkiina Daroogo Ayaa Uu U Dhintay

0
580

1Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhacdooyin iyo xogo laga yaabo in aanay dad badani ogeyn oo la xidhiidha Donald J. Trump, madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykaka. Warbixinno uu Geeska Afrika soo ururiyey ayaa sheegaya in arrimaha aynu qormadani ku xusi doonnaa ay qayb ka yihiin sababaha uu Donald Trump u soo gaadhay halka uu maanta joogo ee madaxweynenimada ah, horena ugu gaadhay guushii weynayd ee uu ka gaadhay gaacsiga oo lagu tilmaamay in uu ahaa hawl tartan iyo gerbin badan kadib uu ku guulaystay. Arrimahaas waxaa ka mid ah:

1. Aabbo guulaystay iyo hooyo odaygeeda jecel:

Fred Trump oo ah Donald Trump aabihii waxa uu ku dhashay magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxa aanu noqday mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan dhinaca qandaraasyada guryaha. Laakiin arinta xiisaha leh ayaa ah in Trump oo ol’olihiisii meel adag ka taagnaa dadka soo galeetiga ah, ay hooyadii ahayd soo galeeti asal ahaan ka soo jeedda gobalka Scotland ee dalka Ingiriiska. Halka aabihiina uu isir ahaan ka soo jeeday qoys dhalashadoodu Jarmal tahay oo dalka Maraykanka u soo haajiray.

Trump hooyadii waxaa lagu tilmaamay haweenay kaalin weyn ka qaadatay farxad gelinta Trump aabihii, maadaama oo ay ahayd gabadh raalliya ah, si weynna ay jacayl iyo dhiirrigelin ula garab istaagtay.

2. Nolol deeqsinimo:

Fred Trump oo ah madaxweyne Trump aabihii waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin buuxiyey hal-beegga aadamuhu guusha ku qiimeeyo. Nolol badhaadhe, ladnaan iyo deeqsinimo ka badatay ayaa uu ubadkiisa ku soo koriyey, waxa uu ku daray dugsiyada gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah, waxa aanu u iibiyey baabuurta nooca ugu qaalisan ee raaxada iyo guri ka kooban 23 qol, oo si xorriyad iyo cidhiidhi la’aan ah ay ugu noolaadaan Trump iyo afarta carruur ah ee la dhashay oo ahaa Laba wiil oo kale iyo laba hablood.

3. Donald Trump iyo walaalihii:

Donald Trump waxa uu ahaa ilmaha afaraad ee qoyska; walaalkiisa ka weyn oo ahaa Fred Jr. waxa uu ahaa kabtan diyaaradeed, oo si aan xad lahayn u cabba khamriga iyo maandooriyeyaasha kale, isaga oo weli da’ yar ayaa aanu dhintay, Donald Trump oo sakhradda walaalkii ka sheekaynayaana waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee aanu weligii khamri, maandooriye kale iyo xitaa sigaar u cabbin in ay ahayd dhimashadaa walaalkii uu balwadahan u dhintay.

Hablaha uu la dhashay Trump midda weyn oo lagu magacaabo Maryanne waa sharciyaqaanad, garsooore ka noqotay maxkamadda racfaan ee dalka Maraykanka, halka ianta kale oo magaceedu yahay Elizabeth ay tahay aqoonyahanad maareeye iyo xoghaye fulineed ka noqotay haayado iyo shirkado kala duwan. Robert oo ah Trump walaalkiisa yar oo qoyska guri dambays u ahi isaguna sida Trump oo kale ayaa uu dhinaca ganacsiga u baydhay. La soco…