Trump Oo Iska Diiday In Loo Aqoonsado Shakhsiyadda Sannadka Iyo Sababaha Uu Ku Saleeyey Diidmada

0
955

Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald trumo ayaa si adag u diiday soo jeedin uga timid majaladda caanka ah ee TIME, taas oo ahayd in ay u doorato shakhsiyadda sannadka 2017 ka. Trump oo sida muuqata ka cadhaysan qaabka wargeysku u dhigay soo jeedinta oo ah in aan la hubin in cidda la dooranayaa ay isaga tahay, ayaa bartiisa twitter ka jimcihii shalay ku qoray, “Majaladda Time ayaa ila soo xidhiidhay iyada oo ii sheegaysa in ay suurtagal tahay in la ii doorto ‘Ninka sannadka’ sidii sannadkii hore oo kale, laakiin la iga rabo in aan ogolaado waraysi aan majaladda siiyo iyo kulan sawirro la igaga qaadayo” Trump oo sii wada qoraalkiisa uu soo dhigay Twitter ka ayaa sii waday qoraalkiisa oo intaas ku daray, in uu wargeyska u sheegay in aanay u cuntamayn hadalka ah muujinaya in aan la hubin in isaga loo doortay shakhsiyadda sannadka, sidaa awgeed uu diiday, “Waxa aan ku idhi, ‘suurtagalnimo’ in aad tidhaahdaan kuma filna” Trump oo sheegaya jawaabta uu wargeyska siiyeyna waxa uu yidhi, “Waa aan diiday, laakiin si kastaba aha ahaato ee waa aan idiin mahadnaqayaa”

Majaladda toddobaadlaha ah ee ‘TIME’ oo iyaduna barteeda twitter ka kaga jawaabay hadalka madaxweyen Trump ayaa tidhi, “Madaxweynaha waxaa ka qaldan qaabka aanu u dooranno qofka aanu u aqoonsanayno shakhsiyadda sannadka. TIME inta aanay faafin ka hor faallo kama sii bixiso cidda ay dooratay”

Majaladda TIME ayaa sannad kasta doorata qofka ay u aragto in uu ugu saamaynta badnaa sannadka, haddii ay dhanka xun tahay iyo haddii ay dhanka fiican tahayba. Sannadkii 2016 kii ayaana ay majaladdu madaxweyne Trump oo markaas uun loo doortay Guriga Cad, waxa ay u dooratay shakhsiyadda sannadkaas, oo laakiin dhinaca taban ah. Laakiin doorashadaasi waxa ay ahayd mid dhinaca taban ah, waxa aanay majaladdu cinwaan uga dhigtay, “Madaxweynaha Dalka Qaybsan ee Maraykan”

Sannadihii 2012, 2014 iyo 2015 ayaa uu Trump si isdaba joog ah bartiisa Twitter ka ugu faafiyey in uu aad uga cadhaysan yahay in aanay majaladda Time u dooran shakhsiyadda sannadka.

Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xukunka qabtay waxa uu muran iyo khilaaf xooggani u dhexeeyaa warbaahinta Maraykanka oo uu si joogto ah ugu eedeeyo in ay warar been abuur ah qoraan, iyo in ay doonayaan in ay sumcaddiisa siyaasadeed iyo shakhsiyadeedba dilaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here