Trump Oo Dalbaday In Gaadhiga Madaxweynaha Lagu Rakibo Qalab Diidaya Weerarka Suntan Ah, Iyo Kiishash Ay Ku Jiraan Dhiigg Ah Nooca Madaxweynaha (2)

0
715

Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in gaadhiga madaxweynaha 45-naad ee Maraykanku uu yeelan doono adeegyo u gaar ah oo ka badan kuwa uu leeyahay gaadhiga uu imika isticmaalo madaxweye Barak Obama.

Adeegyada ku samaysan gawaadhiga madaxweynayaasha Maraykanka

Gaadhiga hadda uu wato madaxweynaha uu xilkiisu sii dhammaanayo ee Barak Obama miisaankiisu waa 8 Ton, sababtuna waa qarada birta uu gaadhigu ka samaysan yahay oo cabbirkeedu yahay 20.3 Sentimitir, daaqadaha gaadhiga ayaa mid kasta miisaankiisu u dhigmaa miisaanka diyaaradda Boeing 747. Waxa kale oo gaadhiga Obama ku rakiban nidaam diidaya in weerar kasta oo kiimiko ama Bayooloji ahi uu gudaha u gudbo.

Gaadhiga loo sameeyo madaxweynayaasha Maraykan waxa kale oo ay leeyihiin haamo lagu buuxshay neefta ogsajiinta oo leh tuunbooyin ku furan gaadhiga gudihiisa, kuwaas oo loogu talogalay in la shido si madaxweynaha iyo cidda wehelisaa ay neef saafi ah u helaan, haddii ay dhacdo in hawada dibadda gaadhiga ka jirta lagu sii daayo sun iyo kiimiko.

Dhammaan muraayadaha gaadhigu ma furmaan, marka laga reebo muraayadda darawalka oo loogu talogalay in uu dejiyo haddii uu u baahdo in uu la hadlo ciidanka nabadgelyada waddooyinka iwm. Dhammaan muraayadahaasina waa kuwo aanay karin rasaasta iyo xitaa nooc kasta oo ka mid ah qaraxyadu.

Taayirrada baabuurka waxa ku dahaadhan maadadda Kevlar, oo baabuurta diyaaradahana lagu dahaadho si ay uga ilaaliso qaraxa, laakiin haddiiba ay dhacdo arrin aan suurtogal ahayn oo ah in si uun uu taayirku u qarxo waxaa si aad u heersarraysa loo sanceeyey daawaha gaadhiga oo awoodaya in uu sida shaagga gaadhigu ugu sii socdo.

Haddii taangiga Shidaalka la beegsado:

Gaadhiga madaxweynuhu waxa uu leeyahay taangi shidaal aanay rasaasta iyo qaraxu karayn, isaguna aan iskii u qarxay.

Waxa uu leeyahay sagaal kamaradood oo aad u tayo badan, habeenkiina si fiican wax u arki kara, waxaa ku rakiban nidaamka GPS ka, isgaadhsiin toos ugu xidhan dayax-gacmeedka, si madaxweynaha ay ugu suurtogasho in duruuf kasta oo jirta uu la xidhiidhi karo bannaanka gaadhiga.

Gaadhiga madaxweynaha Maraykanka loo sameeyaa waxaa ku rakiban nidaam awood badan oo bakhtiin kara dab kasta oo gaadhiga ka kaca gudihiisa ama  dibaddiisa. Sidoo kale waxaa ku rakiban tuunbooyin sii deynaya gaasta dadka kaga ilmaysiisa si uu haddii ay dhacdo in dibad-baxayaal go’doomiyaan uu ugu kala eryo.