Trump Oo Dalbaday In Gaadhiga Madaxweynaha Lagu Rakibo Qalab Diidaya Weerarka Suntan Ah, Iyo Kiishash Ay Ku Jiraan Dhiigg Ah Nooca Madaxweynaha (1)

0
543

Washington (Geeska)- Sawirro iyo macluumaad horudhac ah oo si aan ku talogal ahayn u soo baxay ayaa sheegaya in gaadhiga ay shirkadda gawaadhida Samaysa ee General Motors u samaynayso madaxweyne la doortay ee Maraykanka Donald Trump si uu u isticmaalo marka uu xilka la wareego bisha  koowaad ee sanadka cusub loo bixiyey magaca ah ‘Ghost’ Rooxaan.

Sida Caadiga ah shirkaddan laga leeyahay dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo GM ayaa mar kasta oo madaxweyne cusub la doorto samaysa gaadhiga uu madaxweynahaasi isticmaali doono muddada uu xilka hayo, waxa aana  loo bixiyaa magac gaar u ah, oo gaadhiga madaxweynaha dambe aanu yeelan doonin. Gawaadhidan oo xeeldheerayaal tiro badan oo takhasusyadoodu kala duwan yihiin ka taliyaan sida loo samaynayo iyo adeegyada ay tahay inuu yeesho, marka uu dhammaadana ay si aad u xeeldheer u tijaabiyaan khubaro gaar ah oo ka tirsan ammaanka Maraykanka ayaa, sidoo kalana madaxweyne kasta la weydiiyaa adeegyada gaarka ah iyo waxyaabaha uu shakhsi ahaan u xiisaynayo in uu gaadhigaasi yeesho.

Haddaba war uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in gaadhiga madaxweynaha 45-naad ee Maraykanku uu yeelan doono adeegyo u gaar ah oo ka badan kuwa uu leeyahay gaadhiga uu imika isticmaalo madaxweye Barak Obama.

Qiimaha Gaadhiga:

Sida uu ku warramay talefishanka Focus News shirkadda baabuurta ee General Motors ayaa qandaraaska samaynta gaadhigan ku qaadatay lacag dhan 15 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo shirkadda loo wada shubay si ay dhaqso ugu bilowdo samaynta gaadhigan oo la rabo in uu dhammaado inta aanu sannadkan 2016 dhammaan.

Guriga Cad ee Maraykanka ayaa leh 12 gawaadhida madaxweynuhu uu raaco ah, laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah in gawaadhidaasi aanay gudaha Maraykan oo keliya oollin, balse ay yaallaan dalal kala duwan oo daafaha dunida ah, looguna talogalay in uu madaxweynaha Maraykan raaco marka uu dalkaas booqasho ku tago, taas oo macnaheedu yahay in la dhigay dalalka uu xidhiidhka adagi ka dhexeeyo Maraykanka ama ay ku yaallaan haayadaha iyo ururrada caalamiga ah ee kulamadooda uu inta badan madaxweynaha Maraykanku tago.

Gawaadhidaas dunida ku filqan, looguna talogalay in lagu sugo ammaanka madaxweynaha ayaa mid kasta qiimihiisu uu yahay Hal Milyan iyo badh doolarka Maraykanka ah. La soco…