Toontu Waa Dawo Laakiin Dadka Qaar Ayaa Ay Khubarada Caafimaadku Uga Digayaan Cunisteeda

46
3919

Hargeysa (Geeska)- Toontu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u tiro badan, inta badanna iyada u gaar ah. Waxa aana loo adeegsadaa dawo dhaqameed iyo xitaa dawo casri ah labadaba. Si kastaba ha ahaato ee baadhitaannada ay khubarada caafimaadku ku sameeyeen toonta ayaa muujiyey in ay jiraan dadyow kala duwan oo sababo xaaladahooda caafimaad la xidhiidha awgood aan loo ogolayn cunista toonta.

– Xeeldheereyaasha caafimaadka ee daraasaadka ku sameeyey dhibta iyo dheefta toonta ayaa caddeeyey in cunista toontu aanay u fiicnayn dadka qaba xanuunnada beerka iyo kelyaha. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in toonta ay ku jiraan curiyeyaal mariidku ku badan yahay oo sababi kara in ay sii xumaato xaaladda caafimaad ee bukaanka xanuunnada aynu soo sheegnay iyo in uu khalkhal ku dhaco hawlgalka kiimikaad ee xubnaha jidhka.

– Waxa kale oo ay culimada caafimaadku sheegeen in toontu ay dhibaato caafimaad ku keeni karto qofka shubanka badani hayo, maadaama oo ay gubasho dheeraad ah ku keenayso midhicirada, isla markaana badninayso ololka.

– Waa kale oo ay xeeldheereyaashu cunista toonta u diideen dadka wareegga dhiiggoodu hooseeyo, (Law BP) maadaama oo ay toontu dhiigga sii dejiso.

– Toontu uma fiicna dadka uu xanuunnada indhaha qaba, maadaama oo cilmigu aaminsan yahay in ay sii kordhiso indho xanuunka, isla markaana uu ololka iyo xanuunka ku sii badiyo xuubka xabka ah ee isha.

– Toonta cunisteeda lagulama talinayo qofka qalliinka lagu sameeyey. Sababtuan waa in toonta ay ku jiraan curiyeyaal kiimikaad oo yaraynaya cufnaanta dhiigga, kana dhigaya dareere khafiif ah, sidaa awgeed ay keeni karto dhiig bax aan joogsanayn.

– Dumarka Uurka leh ayaa iyagana lagula talinayaa in aanay badsan cunista toonta. Ma’ jirto dhibaato si rasmi ah loogu ogyahay in ay toontu caafimaad ahaan gaadhsiin karto hooyada uurka leh ama uurjiifka ay siddo, laakiin maadaama oo illaa hadda aanu cilmigu si cad u garan in ay toontu dhibaato ku keeni karto, iyo in kale waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in aanay hooyada uurka lihi cunin toonta.

– Toontu waxa ay raad taban ku leedahay garaaca wadnaha oo ay khalkhal gelin karto, sidaa awgeed dadka marka hore leh cillada khalkhalka garaaca wadnaha, uma fiicna in ay cunaan.

– Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in toontu aanay u fiicnayn dadka xamaytida dhagaxa ku leh, dadka ganacanu buki, dadka suuxdinta leh iyo bukaanka xasaasiyadda.

Ugu dambayntii baadhitaannada cilmiga ah ee lagu sameeyey faa’iidooyinka toontu u leedahay caafimaadku waxa ay si aad ah isugu raaceen in ay dawo waxtarkeeda la arko u tahay kansarka noocyadiisa, sida oo kalana kansarka ka hortag fiican u yahay, iyo in ay xoojiso habdhiska difaaca jidhka, taasina sababto in ay cudurro badan ka hortag ama dawo u noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here