“Dalka Halaga Saaro Wakiilka Djibouti”

0
116

Xildhibaan Nacnac

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ( Nacnac) ayaa ugu baaqay diblamaasiga Jabuuti u jooga Somaliland inuu 24 saacadood dalka kaga baxo maadaama oo aan laga jeclayn dalkiisa halkan.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in masuulkaasi uu u hanjabo guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu isaga oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa uu hadalkiisa ku bilaabay“ Ninka safiirka ah ee Jabuuti u fadhiya halkan oo guddoomiyahii ruuxiga ahaa ee Somaliland Faysal Cali Waraabe wax ka sheegay oo yidhi Hargeysa ayaanu kugu dilaynaa waanu ku falaynaa haddii nalaga kaa qaban waayo taas ayaa naga yaabisay,Jabuuti waxaanu leenay waxaas Faysal sheegaay waanu la socaa waa runtii Jabuuti waa cadawgayaga, waa cadawgayaga koowaad Hiil Walaal ayay muqdisho ula baxeen wax ay noo qabtaan ma jirto, baasaboor iyo macawis ayay nagu xukumi jireen labadiina waanu tuurnay, haddii ninkan maanta madaxweynaha ah uu inaanta qadarinaayo oo uu seedinimo u qadarinaayo isagay jirtaa iyo baasaboorkiisa, laakiin waxaan leeyahay dawlada Somaliland haddii aad naf leedihiin oo uu inuun dhiig idinku jiro ninkaas safiirka ah yaanu 24 saacadood Hargeysa ku gaadhin hadii kale waxbaa laga qabanayaa, hanjabaada uu Faysal oo Hargeysa jooga oo ku dhashay awoow ka awoow oo degan waxbaa laga qaban doonaa, waxa  layaab leh in tilifishankii qaranka laga soo daayay dawladu miyaanay la jirin xidid nimada tii ina Geele uu ku sameeyay ayaanu ogayn ee uu soo boobay ee la soo tuuray Jabuuti 200 oo day day ah ayaa ku filan waxba iska celin maayaan Faransiiskuna waa uu iskaga tagi waa magaaladaas yar ee qudha, waxaanu leenahay naga baxa oo orda oo hiil walaal doonta, madaxweynaana talo ayaan siinayaa hadaad ninkaas wax ka qaban waydid laba waxyaalooda ayaa loo qaadanayaa nin baasaboorkaas ilaashanaaya iyo nin xidid nimadu jiidnayso.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.