Togdheer: Huteellada Burco Oo Laga Mabnuucay Caweysyada Laga Tumo Heesaha Qaraamiga Ah

0
616

Burco (Geeska) – Maamulka Gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco, ayaa si wada jir ah u soo saaray Awaamiir Huteellada Magaalada Burco lagaga joojinayo Cawaysyada laga tumo Muusigga.

Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka degmada Burco oo Shalay si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay in Culimada Magaalada Burco soo gaadhsiiyeen Cabasho ah Cawaysyada Habeenkii lagu qabto Huteellada Magaalada Burco, kuwaasi oo qaarkood lagu tumo Muusig kulmiya dhallinyarada Magaalada, isku imaatinnadaasi oo falal dhaqan-xumo ahi ka dhalan karaan, sidaasi darteed ay Mulkiilayaasha huteellada Muusigga laga garaaco ku amrayaa inay joojiyaan oo si kale u shaqaystaan.

Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Hawl Maalmahan Culimadu ka soo qayliyeen oo Huteellada waaweyn ee Burco qaarkood ka socota, innaga oo teenii u liidana haddaynu cadho ilaahayna shaqaysano waa mushaakil, kan laftiisu waa cadho Ilaahay (Muusigga), Dadku waxay sheegayaan huteello lagu tumanayo oo Muusig lagu tumayo oo intaas oo qof isku dhex jiraan, Cidda uu Ilaahay SW uu kala xisaabtamayaa waa Annaga. Dadka meheradahaa lihi hadday xishoon waayeen Wallaahi gacan baanu wax kaga qabanaynaa oo ka xishoon mayno, laba Xaalo uga xishoon mayno in Rag iyo Hablahayagii yaryaraa inta qol la isugu geeyo in Muusig loo tumo, ma dhacayso, mid kalena kaga xishoon mayno, ummaddii oo la yidhi kala fogaada inta Qol la isugu xereeyo la yidhaahdo Halkan ku tunta ma dhacayso..”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ayaa isaguna sheegay in Ruqsadda lagala noqon doono Huteelka mar dambe laga tumo heeso “Innaga oo Xanuuno la tiicaynaa inaynu Geesna ka tumano oo heeso ka tumo waa Mabnuuc, waxyaabihii Jimcaha ka dhacay mid ka mid ah Huteellada Burco waa Mabnuuc, Jimce dambe la isugu iman maayo, ciidanka Booliskuna waxay ku amran yihiin inay joojiyaan, hadduu Huteelkaasi joojin waayana Ruqsaddaa lagala noqonayaa..”

Orodyahanka caanka ah ee Jaamac Karaaciin oo Magaalada Burco ka dhisay Huteel weyn oo habeennada qaar laga tumo Heesaha Qaraamiga ah, ayaa go’aanka ka soo baxay Maamulka Togdheer ku tilmaamay sharci-darro.

 

Geeska.net/Hargeisa Office