Guddoomiye CIRRO Oo Sheegay In Shacabku Aanay Wixii Ay Ka Filayeen Ka Helin Xukuumadda Madaxweyne Biixi

0
504

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Shacabku aanay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka helin wixii ay ka filayeen.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay kasban Quluubta Shacabka reer Somaliland, taana ay sabab u tahay waxqabad muuqda aanay illaa hadda Xukuumaddu qabanin.

Guddoomiyaha oo Waraysi siiyey Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Madaxweynuhu Xukuumaddaa uu dhisay Shacabku dhaliil badan bay u soo jeediyeen tayadeeda marka la eego, isbeddelkii badnaa ee laga filayey ummadda kamay helin, Quluubta Shacabka waxaad mooddaa in aanay kasban Xukuumadda Madaxweyne Muuse, adeegyadii horumarka ahaa ee shacabku ka filayey kamay helin, waxa inoogu filan (Tusaale) Hargeysa oo weli way harraadan tahay oo way biyo la’dahay, adeegga Caafimaadka waxba kuma soo kordhin, waxa inoogu filan Cisbitaalka guud ee Hargeysa, kuwa Gobolladana iskaba dhaaf..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office