Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Safiir U Soo Magacowday Somaliland

0
597

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Wakiil u soo Magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo u joogi doona Caasimadda Hargeysa.

Wakiilka Imaaraadku u soo Magacaabay Somaliland oo Magaciisu yahay Amb, Abdulla Alnaqbi, ayaa waxa Shalay Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta (Shala) ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi.

Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.

Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon sanno markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka.”

Dhanka kale, Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland la leh xidhiidh, waxayna Somaliland ka samaysay Maalgelin, sida dekedda Berbera oo Shirkadda DP World oo Imaaraadka laga leeyahay ku Maalgelisay Boqollaal Milyan oo dollar, dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Berbera, halka Dawladdu Imaaraadku ay Somaliland ka caawinayso dhismaha jidka u dhexeeya Berbera-wajaale, kaasi oo hadda dhismihiisu socdo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office