Togdheer: Hal Qof Oo Ku Dhintay Qarax Miino Iyo Laba Kale Oo Ku Dhaawacmay

0
547

Balli-dhiig (Geeska) – Gaadhi Bas ah ayaa Shalay Miino kula kacday duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Qaraxa Miinada oo dhacay Gelinkii dambe ee Shalay ayaa geystay khasaare laxaad leh oo isugu jira Mood iyo noolba.

Qaraxa Miinada ayaa waxa Dhintay Hal Qof, waxaana ku dhaawacmay Laba Qof oo kale, sida uu baahiyey Telefiishanka HCTV oo soo xiganaya Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in dadkii ku dhaawacmay Qaraxan Xaaladdooda Caafimaad lala Tacaalayo.

Deegaannada Somaliland ayaa ku yar Qaraxyada ka dhasha Waxyaabaha Miinooyinku ka mid yihiin.

Geeska.net/Hargeisa Office