Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Oo Loo Soo Jeediyey Inuu Qunsuliyado Ka Furo 7 Magaalo Oo Hargeysa Ku Jirto

0
853

“Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti dhammaantood waxay qunsuliyado ku leeyihiin Hargeysa; waa wakhtigii Mareykanku ku biiri lahaa…”  Michael Rubin

USA (Geeska) – Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Lagula taliyey inuu Qunsuliyado diblumaasiyadeed Maraykanka uga furo 7 Magaalo.

Michael Rubin oo ah Aqooyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka  (AEI) ayaa Madaxweyne Joe Biden u soo jeediyey inuu Qunsuliyado ka furo 7 Magaalo, kuwaasi oo ay ku jirto Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida uu ku sheegay qoraal dheer oo uu baahiyey Mareegta National Interest.

Michael Rubin ayaa Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka u soo jeediyey inay u deg-degto sidii ay Qunsuliyado uga furan lahayd Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay wixii ka dambeeya bisha January ee 2021 oo uu Talada Maraykanka la wareegayo Joe Biden “Wasaaradda Arrimaha dibeddu waa inay u deg-degtaa Qunssuliyadihii lagama maarmaanka ahaa..” ayuu qoraalkiisa ku sheegay, isagoo taxay Magacyada Magaalooyinka uu soo jeediyey in Maraykanku uu si deg-deg ah Qunsuliyado uga furto.

Aqoonyahankan Maraykan ah ayaa Maamulka Madaxweyne Biden u soo jeediyey inuu Qunsuliyado ka furto Magaalooyin kala ah Najaf oo Ciraaq ah halkaasi oo Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Trump xidhay Qunsuliyaddii uu Maraykanku ku lahaa iyo Magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Hargeysa, Laayoune oo Marooko ah, Stepanakert oo ka mid ah Nagorno-Karabakh, Diyarbakir oo Turkiga ah, Magaalada Al-Malikiya oo ah Kobane oo ka mid ah dhulka Suuriya iyo Angra Do Heroismo oo ka mid ah Jaziirrada Terceira ee Portugal.

Mr. Michael Rubin oo inta badan ka hadla Arrimaha Somaliland isla-markaana sababeeyay soo jeedintiisa ah in Maraykanku uu qunsuliyad ka furto Hargeysa, ayaa sheegay in Maraykanku uu Qunsluliyad ka furto Hargeysa ay muhiim ka sii dhigayso Joogitaanka Shiinaha ee Soomaaliya iyo Jabuuti “Maaddaama oo Shiinuhu kordhiyey joogitaankiisa Jabuuti, Saamayna uu ku leeyahay Muqdisho, taasi waxay sii kordhinaysaa muhiimadda ay Somaliland u leedahay Mareykanka.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mr. Rubin, waxaanu intaa ku daray “Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti dhammaantood waxay qunsuliyado ku leeyihiin Hargeysa; waa wakhtigii Mareykanku ku biiri lahaa…”

Michael Rubin wuxuu Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ku eedeeyay inuu isku dayey inuu Somaliland ku khasbo inay dib ugu noqoto Soomaaliya, ka dib markii Somaliland xidhiidh la samaysatay Taiwan “Safiirka Mareykanku Donald Yamamoto wuu ka noqday siyaasaddii hore ee Mareykanka ee aqoonsatay maqaamka dhabta ah ee Hargeysa, wuxuuna isku dayey inuu ku qasbo Somaliland inay dib ugu noqoto dal fashilmay (Soomaaliya)..” ayuu yidhi, Mr. Micheal Rubin oo dabcan ka warramay dhibaatadii Somaliland ka dhaxashay Midnimadii ay la gashay Soomaaliya, ka dib markii ay Lixdankii Xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska.

Geeska.net/Hargeisa Office