Xildhibaan Sheegay Inaanu Xal Ahayn Ganaaxa Lagu Soo Rogay Xulalka Kubadda Cagta Ee Gobollada Dalka Qaarkood

0
504

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka digay wax kasta oo umadda kala fogaynaya, waxaanu ku baaqay in ganaax iyo ciqaab oo lagu dhaqaaqa aanay wax tarayn ee Xukuumadda looga baahan yahay inay xaliso wax kasta oo umaddu ku kala foganayaan, xilli la ganaaxay qaar ka mid ah Xulalka Kubadda Cagta Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrka ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Tartamada Ciyaaraha nuxurka loo qabtaa maaha in lagu kala fogaado ee waa in la isku dhex galo, oo qabyaaladda lagula dagalaamo, siyaasada ka dambaysaana maaha in Gobol gaar ahi guulaysto ee waa in guud ahaan Somaliland guulaysto, waxaynu ogeyn in Gobolka Togdheer qabyaaladfa kala qaybisay lagu ganaaxay, laakiin waxaa hadda ka dhacay ciyaartii Hawd iyo Daadmadheedh ayaa ka daran, Ciyaaryahanada Gobolka Hawd waxaa la gudboona in aanay Ciyaarta joojin ee ay ogoladaan, natiijadana ku qancaan, wixii ay tabanayaana sifo sharciya u maraan, hadda waa la ganaaxay, laakiin ciqaab iyo ganaax xal laguma keeno, ee Xukuumaddu inay daawada raadiso weeye, waxaana Xukuumadda laga rabaa inay mar kasta ka shaqayso wax kasta oo la iskugu soo dhawaanayo, kana hor tagto wax kasta oo lagu kala fogaanayo”.

Mar uu ka hadlaayey qabyaaladda ayuu yidhi “Qabyaaladdan dadkeenii ragaadisay inaynu ka ilbaxno ayaa la inooga baahan yahay, qabyaaladda oo caado laga dhigtaana umadda ayey kala dishaa, oo ay kala fogaysaa, ee hadba qofkii wax ku tara ayaa wax kuu ah oo ku xiga ee dadkeenu qabyaaladad ha ka ilbaxaan..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office