“Toddaba Shirkadood Laguma Wada Wareejiyo Maamulka Haamaha, Cid Qudha Ayaa Wax Maamusha. Xukuumaddii Rayale Waxa Ay Wareejisay Oo Noocaas Ah Maanaan Arag”

0
573

Picture8Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgeliyada, ayaa ka hadlay mooshinkii ay ku laaleen wareejinta Haamaha Shidaalka, waxaanu sheegay inay Xukuumadu  wado inay cid kooto ay ugu xidho, taasna ay ka diideen.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi khaas ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay dilka saraakiisha ee dalka ku soo badanaya, waxa keeni kara iyo sida looga hortagi karo, waxaana wareysigan aanu la yeelnay Xildhibaanku u dhacay sidan

Xildhibaan waxa aad tahay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada ee Golaha Wakiilada, marka sidee ayaad u aragtaa dilka saraakiisha ee dalka ku soo kordhaya?

Dilka Saraakiishu si xawliya ayey u soo kordhayaan, waana wax runtii u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, waxaana ay halis ku tahay jiritaanka iyo wax ku oolka Ciidanka, anigu baadhis kumaan sameeyn oo kiis kiis umaan baadhin, laakiin marka guud ahaan la arko Ciidan waxaas oo dil ka dhacayo, oo Saraakiishi la dilayo waxa ay muujinaysa Caalamad, waxa ay muujinaysaa maamul xumo Ciidanka dhexdiisa ka jirta, waxa ay muujinaysa in hoggaaminta Ciidanka qaranku ama ay jilicsan tahay  ama maroor ku jiro, waxaana loo baahan yahay in arintaas muhiimada gaar ah la siiyo, oo sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjaro dilalka Ciidanka dhexdiisa ka dhacaya, waxaana laga yaaba in dilalkan dhacaya in mid walba mid ka duwan tahay, laakiin waxa xidhiidhiya oo ay wadaagaan ayaa jira, waayo waxa caadiya maaha in dilal aan ka dhicin dadkii caadiga ahaa ee fara badanaa inay Ciidanka dhexdiisa ka dhacaan, maahana waxa la odhan karo waa shilal iska dhacay, waana wax dalka ku haya dhismaha iyo hogaaminta Ciidanka, waxaana loo baahan in meesha cidaladu ka socoto waa in  sida ugu dhakhsaha badan loo helo,loona daweeyo”.

Haddii aad tihiin Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxa aad mooshin ku laasheen in Haamaha Shidaalka Berbera Shirkada gaar ah la siiyo, Wasiirka Ganacsiguna waxa uu yidhi u joojin mayno ee ka  waran?  

Waxa uu ka hadlaayo garan maayo Ninka yidhi Barlamaankii dalka u joojin mayno, awooda uu adeegsanayo meesha uu ka keenay garan mayno, waxani waa go’aan Gole waana uu soo baxay, waana sharci cid walbina wey u hogaansamaysaa, sida aan ka arkaayey wareysigiisana waxa aan filayaa in aanay Xukuumaddu fahansanayn waxa ay ka hadlayaan, waxa ay yidhaahdeen cid ayaanu ku wareejinay, cid kumay wareejin laakiin cid ayey kooto u xidheen, kooto iyo  in tartan lagu helo               waa laba arimood oo aan shaqo isku lahayn, Xukuumaddu wey sameeyn kartaa inay qandaraas ku bixiso Shirkada maamulaysa Haamaha, oo noqonaysa Shirkada si cad oo toos ah loo naadiyey, oo tartan ku heshay, khibradeeda maamul iyo waayaragnimadeeda ay u leedahay maamulka Haamaha, noocaas ah awgeed lagu siiyey , laakiin waxa shardiya in Badroolna aanay keenin, Badroolna  aanay iibin oo aanay  qaybin, waayo khilaaf ayaa imanaya, cida Haamaha maamulaysana haddii ay Shidaalkana keento waa Kooto, Xukuumadduna kooto ayey sameeysay.

Toddaba shirkadood laguma wada wareejiyo maamulka Haamaha, cid qudha ayaa wax maamusha, cidaasina waa cid cadaysay awood iyo khibrad maamul, oo ay ku hanan karto maamulida Haamaha, inkasta oo ay Dawladdu leedahay aan la maamuli karin, inkasta oo warbixinihii ugu dambeeyey ee ka soo baxayey Xukuumadda uu ahaa in Haamaha wax badan laga qabtay, oo uu horumar weyni ka dhacay, oo Haamo fara badan la hagaajiyey labadii sanno ee ugu dambeeyey, taasina waxa ay shaki galinaysaa sababta loo wareejinayo haddii Dawladdii gacanta ku haysay sababta loo wareejinayo  Haamihii ay gacanta ku haysay, maxa ay u wareejinaysaa, oo cid kale ugu wareejinaysaa, iyada oo la og yahay in cidii ka horeeysay oo Shirkad ajinabiya ahayd oo Haamaha maamulaysay oo dayac fara badan lagala wareegay mar haddii ay Dawladdu hagaajisay Haamihii maxa Shirkado gaar loo leeyahay ugu wareejinaysaa,  ugu wareejinaysaa, haddii cid wax lagu wareejinayana in Shirkad gaar ah oo maamulkuun lagu wareejiyo ayey ahayd, oo aanay ka ganacsiga Shidaalku in aanu furnayn, maxa yeelay nin walba oo reer Somaliland ah ka ganacsiga Shidaalku uu u furan yahay, waana xaq dastuuriya, Dastuurkuna ma ogola kooto, dhaqaaleehunana waxa uu ku dhisan yahay suuqa xorta ah, waana nwajaib, Xukuukumaddana waajib ayuu ku yahay inay dhiirigeliso, kana shaqayso, waxaana u aragnaa in cida yar oo kooban, oo is urursatay oo doonaya inay dalka cuna qabtayn ku sameeyaan, oo Kooto ku qabsadaan keenista iyo iibinta Shidaalka, taasina waxa Somaliland ka suurtagalaya maaha.

Marka Shirkad gaar ah loo wareejinayo Haamaha, waxa loo baahan yahay warbixin ama daarasad cilmayeysan lagu sameeyey sida ay u kala wanaagsanaan doonaan Maamulka Xukuumadda iyo Maamulka shirkaadaasi, oo Barlamaanka, Bulshada iyo Xukuumadduba ku qancaan, inay dantu ku jirto in Shirkad lagu wareejinayo maamulka Haamaha,  weyna jiri kiraan Shirkado ka khibrad badan Dawladda, laakiin waa maamulka Hamaha oo qudha, ganacsiguna mar wlaba xor ayuu ahaanaya, cid walba oo Shidaal keentana wey ku shubanayaan Haamaha, laba inamadood iyo cid kalena uma xidhnanaanyaan, 

Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale waxa aad ahayd Mucaarad, waxaad ka tirsanayd Xisbiga Kulmiye, waxa aad ugu dhaliili jireenteen Xukuumaddaas wareejinta hantida Qaranka iyo boobka hantida, bal Xukuumaddan bal hadda oo aad Mucaarad tahay ka waran?

Xukuumaddii Rayaale waxa ay wareejisay, oo noocaas iyo xadkaas oo kale maanan arag, inkasta oo markii aanu Kulmiye ahayn aanu aad ugu dhaliili jirnay sida ay u maamulayso hantida qaranka, haddana wax xadkan gaadha oo ah halkii xaraash ugu dambaysay maanu arag,