Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Wakiilada Ku Celiyay Go’aankii Ay Ka Gaadheen Haamaha

0
472

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay aqalka golaha wakiillada dib ugu celiyay go’aankii golahaasi ku laalay wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.

Golaha ayaa maalmihii la soo dhaafay hor istaagay heshiis xukumaddu waday oo ku saabsan in Kaydka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejiyo shirkaddo maxalli ah, kuwaasi oo isku urursaday gacan ku haynta maamulka Haamaha.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay dib ugu celiyay golaha wakiilada go’aanka ay gaadheen oo uu guddoomiyaha golahaasi Md. Cabdiraxmaan-cirro u gudbiyay, waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo go’aanka golaha wakiilada ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Xukumadda iyo shirkaddaha Shidaalka ayaa u kulul in Haamahaasi lagu wareejiyo shirkaddaha Shidaalka balse wali bulshada umay sharixin sababta loo wareejinayo iyo danta shirkaddahaasi u hayaan Haamaha.

Golaha wakiillada ayaa ka marag kacay in xukumaddu dayactir fiican ku samaysay Haamaha haatana ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana wareejintoodu u muuqato naas-nuujin loo samaynayo dad gaar ah.

Haamaha ayaa maamulkoodu sheegay in sanadkii lacag dhan 24 Milyan ka soo baxdo, balse goluhu wuxuu sheegay inaanay arag wax xisaab xidh ah oo lacagtaasi siday xukumaddu u isticmaasho ku saabsan.