Toban Qof Oo Lagu Arkay Awood Aadamaha Caqligiisa Mucjiso Ku Noqotay (Qaybta: 4aad)

0
644

Picture10Hargeysa (Geeska)- Qaybtiii Afaraad ee qormo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa magacyada dad taariikhda ku galay in ay leeyihiin awood mucjiso ku ah awoodda caadiga ah ee aadamaha looga bartay, iyo xogtooda oo kooban.

9. Ben Underwood (Wiilkii Fiidmeerta ahaa): 

Ben Underwood oo ahaa wiil yar oo u dhashay dalka Maraykanka isaga oo carruur ah ayaa uu cudurka Kansarku indhaha kaga dhacay, taas oo keentay in labada indhoodba laga soo saaro.

Ben Underwood in kasta oo uu carruurnimo ku indho belay haddana taasi kama ay hor istaagin in uu si caadi ah noloshiisa u sii wato. Waxa ay maskaxdiisu samaysatay hab ay sawir malo-awaal ah kaga qaadan karto dunida oo dhan, isla markaana ku sawiran karo dadka ku xeeran. Arrinta taas ka sii mucjisada badani waa in uu yeeshay hab dabiici ah oo ay maskaxdiisu soo deynayso dhawaaqyo u suurtogelinaya in uu ku garto masaafada uu u jiro shaygu, habkaas oo aad ugu eeg ka ay isticmaasho fiidmeerta oo sida cilmi ahaan la og yahay aan lahayn idho balse codadkaas ku garata waxa ku soo dhow si aanay u jiidhin, waana sababta Ben Underwood loogu naanaysay wiilkii Fiidmeerta ahaa.

Ben Underwood waxa uu awooday in uu si dabiici ah u noolaado in kasta oo uu yaraan ku dhintay. Underwood isla xanuunkaas kansarka ee indhaha kaga dhacay ayaa uu u dhintay sannadkii 2009kii isaga oo 16 jir ahaa.

John Chang-yik (Ninkii awoodaha qarsoon lahaa): Waxa uu u dhashay dalka Koonfurta Kuuriya, waxaana lagu naanaysaa ninkii lahaa awoodaha qarsoon. Waxa uu awoodaa in jidhkiisu uu soo saaro dab uu ku gubi karo wax kasta oo uu doono, laakiin waxa uu si aad ah u neceb yahay in la arko, waxa aanu si xoog ah uga soo horjeedaa in kamarado laga duubo.

Siddeetamaadkii qarnigii hore ayaa maalin maalmaha ka mid ah koox war-fidiyeen ahi ay u tageen iyaga oo u ballan qaaday in ay ka caawin doonaan in uu dhakhaatiir helo, sidaa awgeed uu ogolaado in ay kamarad ka duubaan si ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa u arkaan. In kasta oo John Chang-yig uu aad uga warwareegay haddana aakhirkii waa uu ogolaaday markii loo ballan qaaday in filimka laga duubay aan cid la daawadsiin doonin. Chang-Yig waxa uu kooxdan tusay isaga oo jidhkiisa inta uu dab ka soo daayo ku gubaya warqad uu gacanta ku hayo.

Nasiib-darro kooxdani waa ay khiyaameeyeen Chang-yig, oo been ayaa ay uga sheegeen wacadkii ahaa in aanay cid tusi doonin filimkaas, sidoo kale kama ay caawin hawshii caafimaad ee ay u ballan qaadeen. Chang-yig arrintaas aad ayaa uu uga xumaaday, maalintii filimkaas la faafiyey ayaana dunida ug udambaysay, oo illaa hadda lama hayo raq iyo ruux midna. Dhammaad.