Toban Qof Oo Lagu Arkay Awood Aadamaha Caqligiisa Mucjiso Ku Noqotay (Qaybta: 2aad)

0
552

Picture10Hargeysa (Geeska)- Qaybtiii Labaad ee qormo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa magacyada dad taariikhda ku galay in ay leeyihiin awood mucjiso ku ah awoodda caadiga ah ee aadamaha looga bartay, iyo xogtooda oo kooban.

3. Scott Flansburg: Waxaa lagu naanaysaa Miishiinka Xisaabta ee aadamaha ah, iyada oo loogu duur xulayo dhaqsaha mucjisada ah ee uu kaga jawaabo masalo kasta oo xisaabeed oo la weydiiyo.

Scott oo ah 53 jir sannadkii 1963kii ku dhashay magaalada New York ayaa la aaminsan yahay in xawaaraha degdegga ah ee uu xisaab kasta oo la weydiiyo kaga shaqayn karaa uu yahay mid xitaa carrabku aanu awoodayn in uu mar keliya wada yidhaahdo. Khubaro baadhitaan ku samaysayna waxa ay sheegeen in xawaaraha dhawaqa ee aadamaha ee caadiga ah uu leeyahay, taasina ay caqabad ku tahay xawaaraha uu kaga shaqaynayo xisaabta, taas oo macnaheedu yahay in jawaabihiisu intan hadda laga yaabban yahay ka dhaqso badnaan lahaayeen haddii xawaaraha hadalkiisu ka dheeraynayo kan aadamaha ee caadiga ah.

Scott waxa uu awood u leeyahay in xisaab kasta oo la weydiiyo uu kaga jawaabo hal ilbidhiqsi badhkii. Waana xawaare mucjiso ah marka loo eego awoodda aadamaha.

4. Ma Chongyang:

Waxa uu caan ku yahay naanaysta ah ‘Ninkii Korontada’ waxa aanu magacani duur xul u yahay awoodda mucjisada ah ee uu u leeyahay in uu u adkaysto awoodda koronto kasta oo jidhkiisa ku dhegta. Ma Chongyang in uu awooddan mucjiso leeyahay waxa uu ogaaday markii maalin maalmaha ka mid ah uu si kedis ah u arkay ilays ka baxaya meel aad ugu dhow gurigiisa, markii uu eegay waxa uu arkay in uu yahay xadhig koronto oo dabaysan, kadib waxa uu isku dayey inta aanu khatar intaas ka badan keenin in uu isagu gacantiisa ku hagaajiyo. Ma Chongyang markii hore waxa uu qabay cabsi ah in uu laydhkan baxayaa ku dhego sidaa awgeed aad ayaa uu isu ilaalinayey, laakiin waxaa la yaab ku noqotay markii xadhi uu taabtay oo dabaysnaa ku dhegi waayey. Chongyang waa uu ku dhiirraday oo waxa uu taabtay xadhkihii illaa uu xaqiiqsaday in laydhku aanu qabsanayn jidhkiisa.

Dhakhaatiir loo geeyey oo cilmibaadhis dheer ku sameeyey ayaa ogaaday in ninkani awood u leeyahay in uu u adPicture11kaysto xoog koronto oo qulqulkeedu dhan yahay 220 isaga oo aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin.

5. Wim Hof: Wim Hof waxaa lagu naanaysaa ninkii Barafka, kadib markii la arkay awoodda mucjisada ah ee uu u leeyahay u adkaysiga Barafka oo uu saacado badan isaga oo dhar ah dhex fadhiyi karo.

Hof oo ah 56 jir u dhashay dalka Netherlands waxa uu saacado aad u badan dhex fadhiyi karaa meel baraf ah oo heer-kulkeedu 20 Digrii eberka hoos u dhaafay. Mar mucjisadan laga waraystayna waxa uu sheegay in heer-kulka jidhkiisu qaadi karo uu isagu xakamayn karo, sababtuna ay tahay awood maskaxeed oo iska caabbinta karta arrintaas oo uu abuur ahaan u leeyahay.