Tirada Dadka Waayeelka Ah Oo Dunida Ku Soo Badanaysa Iyo Sababta Ay Cabsida Ugu Hayso Dalalka Horumaray

0
904

Washington (Geeska)- Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isku raacay in dadka adduunku ay aad ugu sii badanayaan dhinaca gabowga, taas oo culays dhaqaale iyo mid bulsho ku keeni doonta bulshooyinka iyo dawladaha adduunka, gaar ahaan kwua ay tirada dadka waayeelka ahi aad ugu sii badanayso.

Cilmibaadhisahan waxaa ka mid ahaa mid lagu baahiyey degelka ay internet ka ku leedahay madasha cilmibaadhista Strarfor oo caan ka ah dunida, waxa aana lagu sheegay in tirada dadka shaqayn kara ee da’doodu u dhexeyso 15 illaa 64 sano ay dalalka Jabbaan, Talyaaniga, Jarmalka, Kanada, Faransiiska iyo Ingiriiska hoos ugu dhacday in ka yar boqolkiiba shan dadka dalalkaas deggen.

In kasta oo ay khubaradu sheegeen in hoos u dhaca tirada dhalinyarada adduunku ay tahay arrin dunida ku soo kordhaysa, haddana dalalka aynu kor ku xusnay ayaa ay daraasadda Stratfor sheegtay in tirada dadkooda gaboobay ay sannadka 2040 ay boqolkiiba 30 ka noqon doonto tirada guud ee dadka dalalkaas.

Tirokoobyadii u dambeeyeyna waxa ay muujiyeen in tirada dadka da’doodu ay ka weyn tahay 65 sano ay sannadkii 2012 dundia ka ahayd 562 Milyan oo ruux, laakiin markii la gaadhay sannadkii 2015 ay tiradaasi gaadhay 617 milyan oo qof, sahaminta arrintan lagu sameeyeyna muujinayso in marka la gaadho sannadka 2050 ay tiradaasi boqolkiiba 10 sii badan doonto.

Tirada dadka gaboobay ayaa si gaar ah ugu sii badanaysa dalalka horumarka ballaadhan gaadhay, taas oo khatar ku ah horumarkooda, maadaama oo uu hoos u sii dhacayo xooggii shaqaynayey ee dhalinyaradu, waxa aanay arrintani qasab kaga dhigaysaa in ay fursado siiyaan dadka soogaleetiga ah ee dhalinyarada ah oo sida ay hadda tahay aad ugu badan dalalka faqiirka.