Tirada Dadka Somaliland Uga Shakisantahay Coronavirus Oo La Shaaciyey & 3 Qof Oo Ka Yimid Jabuuti Oo Lagu Karantiilay Xuduudka

0
563

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaan weli dalkeeda aanu ku sugnayn Qof la hubo oo qaba Caabuqa Coronavirus ee sababa Xanuunka xilliga Dunida faraha baas ku haya ee Covid_19, laakiin ay jiraan Dad laga shakisan yahay oo baadhitaan lagu sameeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga ka hor-tagga Coronavirus Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaan illaa hadda Somaliland lagu arag Qof qaba Coronavirus, balse ay jiraan saddex Qof oo laga shakiyey oo laga qaaday dheecaankooda isla-markaana dalka dibeddiisa loo diray, lana sugayo natiijada Shaybaadhkaasi.

Mudane Saylici oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Innaga, saddex Qof baa laga shakisan yahay oo uu ku jiraa Dareen ah ( inay xanuunka qabaan), saddexda Qof mid waa ninkaad Magaciisa iyo reerkiisa sheegteen ee aad fadeexadda ka dhigteen iyo laba Qof oo kale oo mid Shiinaha u dhashay, saddexdaa waa laga qaaday dheecaankii waanna la diray, markuu soo noqdo Warku (Natiijada Baadhitaanku) ayuun baa la odhan karaa Qofkaasi wuu qabaa ama ma qabo, inta ka horraysa Cidda tidhaahda waxay qabaan Xanuunka waa dambiileyaal.”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay Xuduudka la wadaagto Jabuuti ku hayso Saddex Qof oo ka yimid dhanka Jabuuti, kuwaasi oo kooxda Caafimaad ee halkaa ku sugani Xanuunka uga shakiyeen markii lagu arkay Xumad badan “Waxa Jira Saddex Qof oo kale oo ka yimid Jabuuti oo Maamulka Gobolka Selel ay ku dareemeen oo ay ku arkeen Xumad, Waayo? Halkaa waxa jooga Koox Caafimaad, way dedaaleen Saddexdii Qof ayay Magaaladii gooni uga joojiyeen, halkaas ayay cuntada ku siiyaan, waxayna leeyihiin bal Cid u soo dira halla baadhee, Wasaaraddii shaqada ku lahayd baa u tagi, waa laga soo qaadi dheecaanka, waana la diri, waxaanu amar ku siinay mar haddaad joojiseen sidaa haku joogaan, intaas mooyaane wax kale oo tuhun ah oo la hayaa ma jirto..”

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay in la fulinayo awaamiir ay soo saareen guddiga Degmada Hargeysa u qaabilsan ka hor-tagga Coronavirus, awaamiirtaas oo ay ka mid tahay in habeenkii la yareeyo dhaqdhaqaaqa, inaan Dadku isugu iman Goobaha lagu sheekaysto “Waalla fulinayaa Awaamiirta ay Guddiga (Ka hor-tagga Coronavirus) gaadhay, waxa jira Go’aamo ay xalay (habeen hore) soo saareen Guddigii uu Madaxweynuhu Magacaabay ee Caasimadda Hargeysa oo ah meesha noogu culays badan ee ay ku nool yihiin Hal Million oo Qof.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dhaqdhaqaaqa Habeenkii in la joojiyo, Maalintiina Awaamiirta waalla fulinayaa, malaha waxa loo baahanayaa sidii Hindiya iyo Bangaladheesh in Booliska iyo Dad Mutadawaciin ah u dhiibno ula fudud, markaa bulshada waxaanu leenahay waa in la yareeyo meelaha la isugu imanayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here