Siyaasi Ka Mid Ah WADDANI Oo Ka Hadlay Dil Ka Gar-adag

0
594

Hargeysa (Geeska) – Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Dil habeen hore ka dhacay Deegaanka Fadhi-gaab oo ka mid ah Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag.

Dablay hubaysan ayaa la sheegay inay habeen hore Rasaas ku fureen Rag ka mid ah shaqaalaha Waddada Burco-Ceerigaabo ee dhismaheedu socda, isla-markaana ay jirto Dhimasho iyo dhaawacba.

Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhacdadani timid markii laga bogsaday dhibaatadii muddada dheer ka taagnayd Gobolka Sanaag ee Beelaha Walaalaha h u dhaxaysay, sidaasi darteed Xukuumadda looga baahan yahay inay Tallaabo qaaddo “Waad ogtihiin Sanaag nabar weyn baa bogsaday, Xafladaa loo dhigay oo waa loo duceeyay, haddana Xalay (Habeen hore) waxbaa ka soo noqday oo Muwaadiniin baa ku dhintay, Ilaahay ha u naxariisto, qaarna way dhaawacmeen Ilaahay ha caafiyo.”

Mr. Daamur wuxuu farriin u diray Xukuumadda “Xukuumadda waxa kala gudboon markay halkaas oo kale marayso inay waajibkeedii Qaran qaadato, marka Dadku nabad yahay, haddii wax dhacaan si aan Dadku aanu isugu yaac-yaacin waa in Dawladdu qaadaa Tallaabo la yaqaano, waxa loo baahan yahay in arrinka halkaa lagu qabto, waxa loo baahan yahay Ciddii ay dhibaatadu gaadhay in aanay Sharciga gacanta ku qaadan oo ay Xukuumadda ka war sugto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nabarkaasi mar kasta oo uu Qolofaysto qaar baa ka qaadaya, kuwo Suuqa Hargeysa jooga weeyaan, niman waaweyn oo la garanayo ayaa waxan ka shaqeeya, waxa is dilayaa waa Ciyaal, laakiin Dadka utuntan dhigayaa waa Dad waaweyn oo Ilaahay ummadda haka qabtee ku macaasha..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here