Tifaftirihii Wargeyska Geeska Afrika Oo Ku Guulaystay Doorashadii Golaha Wakiillada JSL

0
691

Hargeysa (Geeska) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Xalay Niskii dambe ku dhawaaqay Natiijada doorashadii Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.

Komiishanka ayaa shaaciyey Magacyada 20 Xildhibaan oo u soo baxay Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE.

Natiijada doorashadii Golaha Wakiillada xubnaha ka soo baxay Gobolka Maroodi-jeex oo aad Dadweynuhu u sugayeen, ayaa waxa ku jira Tifaftirihii Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo).

Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo ka soo baxay Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka mid noqonaya Dadka Aqoonyahanka ah ee ku biiray Golaha Wakiillada ee cusub.

Maxamed Xuseen Jaamac oo Haysta Shahahaada sare ee Master Degree oo uu ka qaatay Jaamicad ku taalla dalka Uganda, ayaa mid ahaa Dhallinyarada muddada dheer ku soo shaqeeyay Mihnadda Warbaahinta, gaar ahaan ta Qoraalka, isagoo aasaasay Hay’adda Warbaahineed ee Geeska Afrika oo si maalinle ah uga soo baxa Hargeysa, kaasi oo uu dabcan ahaa Tifaftirihiisa, kaasi oo uu hadda uga digo-roganayo xagga siyaasadda.

Maxamed-Raambo oo ah Ruug-caddaa saxaafadeed, ayaa ka mid ah Xildhibaannada la rejaynayo inay wax badan ka qabtaan Baarlamaanka oo ah Hay’adda dejisa shuruucda uu dalka Somaliland ku shaqeeyo.

Geeska.net/Hargeisa Office