Siday U Kala Cod Badan Yihiin 20 Xildhibaan Ee Golaha Wakiillada Uga Soo Baxay Gobolka Maroodi-jeex

0
970

Hargeysa (Geeska) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Xalay Saqdii dhexe ku dhawaaqay Natiijada ka soo baxday Doorashadii Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa iyo Doorashadii Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.

Komiishanka ayaa ku dhawaaqay in Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa uu Xisbiga WADDANI helay 7 Xildhibaan, Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa isaguna helay 6 Xildhibaan, halka UCID-na uu ka helay 4 Xildhibaan, taasi oo ka dhigan in Xisbiga WADDANI uu hoggaanka u qabtay Awoodda Golaha deegaanka ee Caasimadda.

Halkan hoose ka Akhriso Magacyada Xildhibaannada ay saddexda Xisbi kala heleen:-
Kulmiye .
1. Aadan Jaamac mideeye
2. Siciid jaamac cali
3. Cabdiraxmaan Soltelco.
4. Jamaal Cismaan cabdilo
5. Axmed Juxa
6. Maxamed Abiib Siikaawi.
UCID
1. Xuseen ibraahim Xasan
2. Siciid Cudhay .
3. Cabdikariin Xasan Cabdi Garas
4. Aadan Axmed Cumar Yuusuf .
WADDANI
1. Abdikariim Mooge
2. Yaasiin cumar yare .
3. Faysal cabdiraxmaan
4. Cabdi maxamed faarax
5. Mawliid maxamed giire
6. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed’.
7. Ismaaciil Muuse Sheekh Dagaal (Dhako).

Dhanka kale, Komiishanka ayaa isla Xalay ku dhawaaqay Natiijada Hor-dhaca ee Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu soo baxay Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE.
Xildhibaannada ay Saddexda Xisbi ka heleen doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan:-
Kulmiye
1. Axmed Maxamed Maxamuud
2. Axmed Cabdi Muuse Cige
3. Cabdikariin Maxamed Muxumed
4. Yaxye Cabdillaahi Aadan Ismaaciil
5. Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax)
6. Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)
7. Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje)
8. Cabdillaahi Sheekh Muxumed Axmed
WADDANI
1. Barkhad Jaamac Batuun
2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (ku Caddeeye)
3. Siciid Maxamed Ismaaciil
4. Jamaal Aadan Diiriye
5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahim Cige (Timo-jilic)
6. Xuseen Ismaaciil Jaamac.
7. Ibraahim Jaamac Rooble
UCID.
1. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)
2. Maxamed Aadan Daahir Mooge
3. Maxamed Jaamac Ismaaciil
4. Maxamed Cismaan Maxamed
5. Maxamed Xasan Siciid Maxamuud

 

Geeska.net/Hargeisa Office