Wakhtiga La Qaadayo Imtaxaanka Shahaadiga Ee Somaliland Oo La Muddeeyey

0
482

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shaaciyey xilliga loo muddeeyey qaadista imtaxaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad ee Dugsiga dhexe iyo Fasalka 4-aad ee Dugsiga sare.

Guddoomiyuhu wuxuu guud ahaan ardayda u fadhisanaysa imtaxaanka u soo jeediyey dardaaran iyo dhiirigelin, waxaanu ugu baaqay inay ka fogadaan qishka iyo wixii la mid ah.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Xafiiska imtaxaanadka Qaranku wuxuu ku dhawaaqay oo uu sheegaya maalinta la galayo imtaxaankii shahaadiga ahaa, waxaa la gali doonaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo 19 bishan aynu ku jirno, oo ah maalin Sabti ah, waad haysta Jadwalkii, wuu haysta arday walba, jadwalkii hore ayaanu u sii dirnay, waxaa ka maqnayd maalinta ay tahay taariikhdu.”

Mar uu si gaar ah ula hadlayey Ardayda imtaxaanka u fadhisanaysa wuxuu yidhi “Haddaad isku halayso qof kale oo aad wax ka sugto, kalsoonidaadu way lumaysaa, markaas waxaan idinkala dardaarmayaa wixii la odhan jiray qishka, kala eegashadii iyo Mobile-ka”

 

Geeska.net/Hargeisa Office