Shirkadda TELESOM Oo Daah Furtay Adeeg Cusub Oo Casriya

0
789

 

Vivo 3 G internet movel 1Hargeysa(Geeska)-Shirkada is gaadhisiinta ee TELESOM ayaa xaflad balaadhan oo ay ku kulmisay warbaahinta dalka waxa ay ku daah furtay  adeeg cusub oo ay bulsho waynta reer Somaliland ugu talo gashay. Adeegan oo magaciisa la yidhaahdo 3G ayaa ah adeeg cusub oo casri ah.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Telesom Md. Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlay Munaasibad ay shirkadu ku soo bandhigtay Adeega cusub ee ay soo kordhisay oo lagu qabtay Xarunta guud ee shirkadda ayaa sheegay in Adeegan cusub ee ay Macaamiisha u soo kordhiyeen ee loo yaqaan 3G’gu uu u suurtagalinayo in ay goob kasta oo ay joogaan ku heli karaan Isticmaalka Internet-ka halka ay adeegyada kale ee la isticmaalaa ku kooban yihiin oo kaliya meelo gaar ah. Haddaba gudoomiyaha ayaa waxa uu kulankaas ka jeediyay khudbad dheer waxaana hadaladiisa ku bilaabay sidan “Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo” iyo in ay ku horrayso wakhtikastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee Zaad, oo macaamiishayada u suurtogeliyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga moobilka, internetka, GPRS-ka, Adeegyada SMSka ku salaysan ee wararka, qaamuuska iyo kuwo kale.
Haddaba, kulankeenan maanta waxan ku soo bandhigaynaa adeeg kale oo casri ah, xiiso badan isla markaana saamayn xoog leh iyo isbeddel ku yeelan doona hab nololeedka mujtamaca reer Somaliland. Adeeggan oo ah teknoolajiyad ka heer sarreysa adeeggii hore ee moobilka ee Macaamiishu shirkaddu isticmaali jireen, waxana loo yaqaanaa “3G” halka adeeggii hore ee shirkaddu isticmaali jirtay ahaa “2G”.
Adeeggan oo halku-dhegga shirkaddu u qaadatay yahay “La Jaanqaad Jiilka Cusub” wuxu midanayaa, qofkana u suurtogelinayaa in uu meelkasta ka wada helo adeegyada ugu muhiimsan nolosha bani-aadamka, oo ah moobilka ku hadalka, internetka oo xawaare sare leh iyo adeegga Zaad ee lacagaha. Taasi macnaheedu yahay in macmiilka haysta Kaadhka Telesom ee 3G uu heli karo internet xawaare sare leh, cod tayo wanaagsan, adeegga maqal iyo muuqaal iyo Adeegga Zaad iyo Xawaaladda Salaam oo wada socda.

Horumarka Teknoolajiyadeed ee Telesom

Shirkadda Telesom waxay maalinwalba samaynaysaa horumar la taaban karo, oo saamayn wanaagsan ku leh bulshada Somaliland dhexdeeda. Sannadkii 2000 ayay shirkaddu bilowday adeeggii ugu horreeyay ee moobilka gacanta laga qaato, dhowr sannadood kadib, sannadkii 2007 shirkaddu adeeggaasi waxay ku ladhay adeegga GPRS-ka, oo macaamiisha u suurtogeliyay in ay internetka ku isticmaalaan moobiladooda, sannadkan 2011 wuxu noqonayaa in Telesom ku guuleysatay in ay noqoto shirkaddii ugu horreysay ee teknoolajiyadda 3G u hayaamisa Macaamiisheeda, waxayna heli doonaan internet xawaare sare leh iyo adeegyo kale meelkasta oo ay ku sugan yihiin. Macmiilka Telesom wuxu 3G Simcard ku isticmaali karaa moobilkiisa (haddii uu yahay nooca 3G), computerkiisa ama laptopkiisa.
Adeegga 3G iyo kii ka horreeyay ee hadda ay Macaamiisha Telesom isticmaalaan ee loo yaqaano 2G-ga oo uu la socdo GPRS waxay shirkaddu u dhistay shabakad ballaadhan, si ay macaamiishu u helaan adeeg tayo leh, isla markaana ay heli karaan wakhti kasta iyo meelkastaba.
Haddaba, maxaa keenay in Telesom ay hirgeliso Adeegga 3G? Koboca teknoolajiyadda ee maalinba maalinta ka dambeysa dunida ka socda, wuxu keenayaa in lala jaanqaado si ay u dhabowdo ballanqaadkii Macaamiisha aanu u sameynay in aanu keeno teknoolajiyadda ugu dambeysa, bulshadana wax badan ka beddeli kara noloshooda iyo horumarkooda.
Sidaas darteed, shirkadda Telesom waxay noqonaysaa shirkadii ugu saddexaad ee si dhab ah Adeegga 3G uga hirgelisa manqada aynu ku noolnahay ee Geeska Afrika, marka laga reebo wadamada Kenya iyo Uganda.

Faa’iidooyinka 3G u leeyahay Mujtamaca iyo Adeegga Zaad

Telesom 3G: La Jaanqaad Jiilka cusub, wuxu beddelayaa qaab nololeedkii bulshada. Wuxu ku siinayaa in aad moobilkaaga ku hesho internet awood iyo xawaare badan; kaasi oo aad u isticmaali karto barnaamijyada wada xidhiidhka (sida emails, facebook, twitter,iwm), daalacashada iyo soo rogashada xogaha codka iyo fiidyowga ah (audio/video streaming ah), sida Telefishanada, idaacadaha iyo macluumaadka kale ee la daawado ama la dhegeysto – sida kuwa wararka, ciyaaraha iwm), la wadaagista ehelkaaga ama asxaabtaada sawirada iyo macluumaadka kale ee digitalka ah iyaga oo kaa durugsan.
Faa’iidooyinka uu mujtamaca u keenayo iyo isbeddelka uu ku sameynayo lama soo koobi karo, waxana ka faa’iidaysan kara qofka shakhsiga ah, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, ganacsatada iyo guud ahaan mujtamaca – rag iyo haweenba. Waxana faa’iidooyinkaasi ka mid ah:

Wada Xidhiidhka:
• Wuxu macmiilka siinayaa xoriyad ballaadhan oo aad kula xidhiidhayso ehelkaaga, asxaabtaada iyo dadka aad wada shaqaysaan meelkasta oo ay joogaan iyo meelkasta oo aad adigu ku sugan tahay. Tusaale ahaan, farriimaha ku soo dhaca email-kaaga waxad u helaysaa sida aad u hesho telefoonka ku soo dhaca.
• Maqal iyo Muuqaal (Video-Call) aad kula xidhiidhi kartid cidkasta oo aad u baahan tahay.
Arrimaha Bulshada (Waxbarashada, Caafimaadka Bani-aadamka, Xoolaha, Degaanka iyo Dhaqaalaha, iwm):
• Wuxu sahlayaa adeegyada casriga ah ee M-Learning ama E-Learning, oo ah in qofku uu toos waxbarasho uga heli karo moobilkiisa, isaga oo si fudud ugu xidhmi kara Jaamacadaha adduunka iyo kuwa dalkaba.
• Wuxu suurtogelinayaa Adeegyada M-Health, oo ah in macluumaadkasta oo caafimaad uu si fudud ugu soo dejisan karo ama ugala socon karo moobilkiisa. Waxa kale oo dhakhaatiirta iyo ardayda caafimaadka uu u suurtogelinayaa in ay ku xidhnaadaan, macluumaadna isweydaarsan karaan khubarada iyo cusbitaalada caafimaadka ee dunida.

Wada-Shaqaynta

• Haddii aad tahay loo shaqeeye ama shaqaalaba waxad Telesom 3G ka helaysaa taageero badan, adiga oo jooga gurigaaga, xafiiskaaga ama meelkasta oo kaleba waxa kuu suurtogelaya in aad moobilkaaga kaga jawaabto emailska, u diri karto, kana heli karto dhukumentiyada shaqada iyo macluumaad kale.
• Tusaale ahaan qofka hay’ad ka shaqeynayaa waxa u suurtogelaysa in uu ka jawaabo emailska loo soo diray, la wadaagi karo dhukumentiyada shaqada shaqaalaha hay’adda.
• Haddii uu qofku ganacsade yahay waxa u suurtogelaysa in uu moobilkiisa ku qaato sawirada muunada allaabta, kadibna ku diro moobilkiisa, haddana lacagta uu u baahan yahay in uu diro ama helo u isticmaalo Adeegga Zaad.
Macmiilka Telesom wuxu gaadhay heer uu dabooli karo “BAAHIDII AAS-AASIGA AHAYD” ee qofka. Adeegga Zaad oo lagu daray 3G Services – waxay beddelaysaa qaab nololeedkiisii, waxayna siinaysaa in uu waxkasta ka qabto moobilkiisa – tusaale wuxu moobilkiisa ku xawilan karaa lacag, ku kaydsan karaa moobilkiisa ama Xawaaladda Salaam, oo marka uu doonana kala soo bixi karo; dibna ugu shuban karo Moobilkiisa. Intaasi waxa dheer in markii ugu horreysay dunida oo dhan, Macmiilku moobilkiisa Telesom kaga iibsan karo adeegyada ku shabashada ku hadalka (voice) iyo kuwa kale ee data-da ee aan faa’iidoyinkeeda ka soo hadalay. Wuxu qofku tegayaa lambarka 6, oo uu markaasi kadib ka dooranayo airtime recharge, oo u kala baxsan data iyo voice.
Sidaas darteed, waxaan odhan karaa Moobilka Telesom wuxu kulmiyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa, aas-aaskana u ahaa nolosha mujtamaca sida moobilkii oo lagu adeegsanayo internet dheereeya iyo xawilaaddii lacagaha oo aad ka wada maamulayso moobilkaaga.
Shirkad ahaan, waxan ku soo dhoweynaynaa bulshada adeegyada casriga ah ee Telesom 3G: La Jaanqaad Jiilka Cusub, iyada oo xarumaha shirkadda ay ugu diyaar yihiin shaqaale loo carbiyay raaligelinta macaamiisha iyo in ay warbixin iyo taageeroba ka siiyaan adeegga 3G.
Toddobaadyada soo socda waxa bilaabmi doona barnaamjiyo taxane ah oo macaamiisha loogu soo bandhigayo faa’iidooyinka iyo qaabka ay u isticmaali karaan adeegga 3G.
Waxan ku faraxsanahay, kuna bogaadinaynaa shaqada fiican ee ay qabteen Engineers-ka shirkadda iyo guud ahaan Shaqaalaha kaleba, oo ku guuleystay dhammaystirka mashruuca 3G-ga, oo qorshayntiisa, diyaarintiisa iyo hirgelintiisuba socotay sannadihii u dambeeyay, tijaabooyinkii la sameeyayna ay dhammaantood guul ku dhammaadeen – waxana mahad dhammaanteed iska leh Illaahay (swt).
Khibradda shaqaalahayga iyo isku halaynta shirkaddaha caalamiga ah ee aan ka soo iibsanay adeegga 3G oo ah kuwa dunida ugu horreeya, waxay lafdhabar u yihiin guulaha adeegga 3G.
Ugu dambeyn, waxaan macaamiishayada leenahay idinka ayaan idiin dhaafaynaa in aad si xoog leh uga faa’iidaysataan adeegga 3G, annagana nagu haleeya in aan idiin keeno kolba teknoolajiyadda ugu dambeysa; annaga oo hadda qalabkayaga u diyaarinay in si fudud loogu guuri karo teknoolajiyadda 4G (LTE) mustaqbalka dhow.”