Shirkada Somcable Oo Carwada Ganacsiga Ku Soo Bandhigtay Adeeg Internet Oo Heer Sare Ah

0
757

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkada Somcable ayaa carwada ganacsiga ee Somaliland ku soo bandhigay adeega Internet-ka ee ay dalka ku soo kordhiyeen, iyaga oo shacbi weynaha Somaliland ugu balan qaaday in sanadkan cusub ee la galay ay bixin doonaan adeeg Internet oo aad u heer sareeya. Adeegan Somcable ayaa ah mid aan hore xawaarihiisu dalka uga jirin.

Waxa sidan sheegay maareeyaha shirkada Somcable Ibraahin Cali Yuusuf oo dadka reer Somaliland u balan qaaday Internet la mid ah ka dunida laga isticmaalo xawaarihiisuna sareeyo, isla markaana fududayn doona waxbarashada,ganacsiga iyo xidhiidhada caafimaadkaba.

Maareeyaha Somcable oo warbaahinta kula hadlaayay carwada bandhiga ganacsiga ee Somaliland oo markaas lagu isticmaalyay Internert-kan xawaarihiisu sareeyo waxa uu yidhi “Sidaad arkaysaan waxa idiin muuqata  Bandhiga  quruxda badan ee Shirkada Somcable soo bandhigtay waxaanay ka turjumaysaa horumarka ay  Somaliland gaadhay ee dhinca Fibre Optic oo ah Internet Xawaarihiisu dheereynayo oo Ilbidhiqsigiiba aad wax walba aad ku daawan kartid, dhammaan xarunta guud ee ay ku taallo carwadu internedku waa Free ama Bilaasha, Internetkan aynu isticmaalayno wuxuu ka awood badan yahay ka caalamka lagu isticmaalo sida London ama Newyork internedkan ayaa ka xaaware sareeya, waxan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa in ay sanadka cusub helayaan internet xawaarihiisu aad u sareeyo oo ay ka haqab beelaan, waana furad muhiimay oo ay heleen oo ay shirkada Somcable u keentay, runtii waxa ka faa’iideysan doona dadka jecel waxbarashada iyo barashada Caafimadka  iyo waliba dhakhaatiirta aaddunka joogta oo dalkeena toos u la soo xidhiidhi doona runtii waxa mahad leh Engineerada Shirkada Somceble oo arrintaasi suuro galiyey.”

Internet-kan xawaarihiisu sareeyo ee Fibre Optic-ga ayaa ay la filayaa inuu Somaliland u sahli doono xidhiidhka guud ee dunida, iyadoo ay shacabka Somaliland wakhtigan khaatiyaan ka taaganyihiin Internetka daciifka ah ee ay helaan.