Telefishanka Qaranka China Oo War Ku Tabiyay Khariidad Uu Ka Kala Saaray Somaliland Iyo Somaliya

0
574

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Telefishanka qaranka ee China ayaa raaligelin ka bixiyay khariidad uu si gaar ah ugu muujiyay qaranimada Somaliland, isagoo ka waramayay qarax ka dhacay Axadii magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Telefishanka ayaa wuxuu khariidadaas ku muujiyay in Somaliland iyo Somaliya kala yihiin laba wadan oo kala duwan. Laakiin wax yar ka dib  telefishankaas China ee CGTN (China Global Television Network), qaybtiisa dibadda la hadasha ayaa raaligelin ka bixisay.

Telefishanka, ayaa qoraal uu soo saaray oo uu ku baahiyay twitterkiisa wuxuu ku sheegay in khariidadu ahayd mid khalad ah oo uu si khalad ah u isticmaalay mid ka mid ah tifaftirayaashoodu, “Waa khalad, waxaanan jecelnahay inaanu raaligelino daawadayaashada Somaliya oo aanu u sheegno inaanay CGTN ku jirin kala qaybinta qaaradda weyn ee Afrika.” waxaanu intaas raaciyay “Waxa kale oo aanu jecelanahay inaanu si cad u qeexno in khariidada khaldan uu ku khaldamay mid ka mid ah tifaftirayaashayada, kamana turjumayso aragtida dawladda China.”

Telefishanka Qaranka ee China wuxuu u mahadceliyay dad Soomaali ah oo uu sheegay inay xidhiidho la sameeyeen iyagoo ka cadhaysan khariidadaas sida gaarka ah loogu muujiyay madaxbanaanida Somaliland.

Talaabadan ay dadka Soomaalidu qaadeen ayaa waxay muujinaysaa sida adag ee cadaawadu ka muuqato ee ay dadka dalka Somaliya uga soo horjeedaan qaranimada Somaliland.