Wasiir Cadami Oo Ka Jawaabay Sababta Wasaaradiisa Gaashaandhigu Uga Dhex Muuqan Weyday Arrimaha Saldhiga Milatari Ee UAE

0
528

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cai Caddami, ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari ee dalka laga siinayo Imaraadka Carabta, waxaanu ka jawaabay suaal ay shacabku iska weydiinayaan sababta wasaaradiisu ugu lug yeelan weyday arrimaha saldhigan, maadaama oo ay tahay wasaaradii gaashaandhiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cai Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan leeyahay wixii qeyb ah yaan la  saadaalin, oo yaanay balaayo iskaga yeedhanin, ee wixii dhacaya qadar ILLAAHAY bay ku dhacayaan, wixii baaqdana qadar ILLAAHAY bay ku baaqanayaan, umad baynu nahay, markaas haddii aynu inagu ulaha isku sii garaacno, weynu ka sii daraynaa”.

Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay sababta arinta Saldhiga loogu dari waayey Saraakiil ku xeel dheer Saldhigyada Milatari iyo sababta ay Wasaaraddiisu uga dhex muuqan weyday madaama ay tahay Wasaaradda Gaashandhiga wuxuu yidhi “Marxaladooda marka la gaadho Saraakiil iyo kuwa kaleba waa loo yeedhi doonaa,  ta kale marar badan baa la igu yidhi Wasaraddiina ku shaqo leh ee maxaa Wasaaraddaha  kala galiyey, arinkana wuu ka duwan yahay arimaha kale, xidhiidhkeeduna waa xidhiidh ka duwan xidhiidhada kale, ee yeynaan ku mashquulin yaa salaada  bilaabay, yaana eedaanka ku horeeyey, eedaanka cid baa iska leh, salaadana imaanka ayaa ina tukinaya ee wax walba wey hagaagayaan ee yeynaan ka hor dhicin”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko warqada muddo kordhinta ee Guurtida loo gudbiyey iyo waxa uu ugu baaqayo wuxuu yidhi “Guurtidu waa Guurtideediini wax badan baynu uga soo joognay, Rag badan oo wax garad ahina wey ku soo hadheen, waxaana is leeyahay Guurtidu ma moogana dareenka Shacabka”.

Wasiir Caddami mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa yidhi “Madaxweynaha cusub ee Somaliya waxaan ka rayjaynaynaa inuu niyad wanaag la yimaado, wakhti la canaanto, wakhti la dhaliilo iyo wakhti wax laga sheego ma joogo, xaaladihii hore ee Somaliland iyo Somaliya wax buu kala socdaa, halkii la isla gaadhay iyo wixii ina kala maray wuu og yahay, waxaana xaqiiqo ah in dib aan la iskugu noqonayn,  wixii la gudboon u garanayaa”.