‘Technoference’ – Taleefanka Gacantu Waxa Uu Khatar Ku Yahay Noloshaada Iyo Caafimaadkaaga

18
3095

Hargeysa (Geeska)- Technoference, waa erey bixin cusub oo ka dhalatay isku darka laba erey oo midba badh laga soo goostay, waa tiknoolajiyaddii (Technology) oo laga soo qaatay inta hore ee ‘Techno’ iyo ereyga Ingiriisiga ah ee Interference oo afka soomaaliga ku noqonaya faragelinta, kaas oo isagana laga soo qaatay inta dambe ee ‘Ference’ labadaa qaybood ayaa noqday Tehcnoference. Waxaa loo adeegsada tilmaamidda is dhexgalka iyo is diidista ay tiknoolajiyadda casriga ah ee ay ka mid yihiin taleefannada gacanta, qalabka Tablet yada loo yaqaanno iyo kombiyuutarku ay ku hayaan xidhiidhka bulshada gaar ahaan xidhiidhka lammaanaha, iyo xidhiidhka waalidku uu ubadkiisa la yeelanayo.

Cilmibaadhisaha arrintan lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in dhibta ay tiknoolajiyaddu ku hayso xidhiidhada shakhsiga ah iyo caafimaadka nafsiga ah ay ka mdi tahay:

– Waxa ay yaraysay wanaaggii iyo xiisihii uu lahaa xidhiidhka ka dhexeeya lammaanaha.

– Waxa ay yaraysay waqtigii firaaqada ee ay lammaanuhu isu heli lahaayeen, ubadkoodana u heli lahayeen.

– Waxa ay yaraysay raalli ahaanshiyihii uu lammaanaha mid kastaa ka raalli ahaa kan kale.

– Waxa ay kordhisaa diiqadda, qulubka, warwarka iyo culayska nafsiga ah oo dhan.

– WAxa ay hoos u dhigtaa heerka raalli ahaanshiyaha uu qofku ka raalli yahay naftiisa.

Cilmibaadhis caafimaad ayaa lagu ogaaday in waalidka sida ku talaxtagga ah u isticmaala taleefanka gacanta ah ama aaladaha kale ee tiknoolajiyadda, ubadkooda lagu arko dhibaatooyin dhinaca habdhaqanka bulshada ah. cilmibaadhistan waxaa sameeyey cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda gobalka Illinois ee dalka Maraykanka iyo kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Mechigan. Waxa ay daraasaddani ka digtay in waalidku uu ku mashquulo taleefankiisa gacanta, marka uu dhex joogo carruurta iyo qoyska, waxa aanay kula Talisay in uu k udadaalo in uu waqtigiisa firaaqada si buuxda u siiyo ubadka.

Daraasaddan ayaa sheegtay in habdhaqanka carruurta oo xumaadaa uu marar badan xidhiidh la leeyahay waalidka gaar ahaan hooyada oo aad u isticmaasha taleefanka gacanta iyo aaladaha kale ee casriga ah. Xaaladaha ugu badan ee ay daraasaddu sheegtay in lagu arko ubadka waalidkood taleefanka ku mashquulana waxaa ka mid ah ilmaha oo fudayd iyo qalqaalinnimo badan lagu arko, cadho aan sababteeda la garanayn iyo oohin badan oo ilmuhu yeesho iyo ilmaha oo si fudud uu ugu dhaco burbur nafsi ah iyo niyadjab khatar ku ah caafimaadkiisa iyo habsami u socodka noloshiisaba.

Marka laga tago mashquulka maskaxda ah ee ay taleefanka casriga ah iyo aaladaha la midka ahi qofka kaga jeedinayaan waajibaadkiisii xidhiidhka qoyska waxa kale oo uu isticmaalka badani beddelaa dabeecadad qofka.

Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee talefishanka Aljazeera uu ku leeyahay Internet ka ayaa aynu ku soo koobaynaa talooyin ay xeeldheerayaasha cilminafsigu u soo jeedinayaan waalidka, si ay uga hortagaan in isticmaalkodoa taleefanka gacantu uu gaadho heer uu ka mashquuliyo waajibaadkii ka saarnaa barbaarinta ubadka.

– In ay si caqli ku dhisan uga wada hadlaan habka ugu habboon ee ay u isticmaalayaan taleefanka gacanta iyo qalabka kale ee tiknoolajiyadda, iyaga oo aan ku seegayn waajibaadkooda qoysnimo, kagana mashquulayn barbaarinta ubadkooda.

– In lammaanuhu ay samaystaan waqti go’an oo ay taleefanka iyo qalab kale oo kasta dhinac iska dhigaan arrimaha qoyskooda iyo ka sheekaysiga danahoodana waqti fiican siiyaan.

– In waalidku marka uu ilmihiisa la hadlayo, uu dhinac iska dhigo taleefanka gacanta iyo qalabka la midka ah, tusana ilmaha in uu dareenkiisa oo dhan isaga siiyey.

– In lammaanuhu uu xeer ka dhigto in taleefanka gacanta lagaga tago bannaanka qolka hurdada, oo aan isaga lala gelin taleefan, laptop iyo qalab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here