Tartankii Quraanka Kariimka Ahaa Ee Hargeysa Ka Socday Oo Shalay La Soo Gunaanaday

0
560

Qur'aanHargeysa(Geeska):-Tartankii qur’aanka kariimka ahaa oo muddooyinkii danbe ka socday Masjidka Cali Mataan ee Hargeysa oo ay soo qaban-qaabisay shirkada Dahab-shiil, ayaa shalay lagu gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa, waxaana kaalinta 1aad ku guulaystay Maxamuud Axmed Caalin oo ka socday magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.

Xaflad aad u bilan oo lagu qabtay Masjidka Cali Mataan isla mar ahaantaana lagaga dhawaaqayey ardaydii ku guulaystay kaalmaha hore, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil, Culimo awdiin, madax-dhaqameed iyo dad-weyn kale oo aad u tira badan.

Tartankan oo soo maray maraaxil kala duwan ayaa ardayda ka qeyb-galaysay waxaa ay ka koobnayd 64-arday oo wiilal ah iyada oo ay 30arday ku tartamayeen 30ka Jus ee qur’aanka kariimka ah, halka 34ardayna ay ku tartamayeen 15-Jus oo qur’aanka kariimkaa, waxaana sidii ay u kala guulaysteen u kala dhacday.

Ardayda 30-ka Juz

Kaalinta 1-aad: Maxamuud Axmed Caalin oo ka socday magaalada Burco ee G/Togdheer.

Kaalinta 2-aad: Naasir Faysal Faarax oo ka socday magaalada Burco ee G/Togdheer.

Kaalinta 3-aad: Xanafi Bashiir Maxamed oo ka socday magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex

Kaalinta 4-aad: C/laahi Maxamed Cumar oo Ka Socday magaalada Laascaanood Ee G/Sool.

Kaalinta 5-aad: Xamse Cismaan Cabdilaahi oo ka socday magaalada Burco Ee G/Togdheer.

Ardayda 15-ka Juz

Kaalinta 1-aad: C/raxmaan Maxamuud Salaad oo ka socday magaalada Laascaanood Ee G/Sool.

Kaalinta 2-aad: C/laahi Axmed Sh.Shakuur oo ka socday magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex

Kaalinta 3-aad: C/raxmaan Cabdilaahi Bashiir oo ka socday magaalada Boorama Ee G/Awdal