Al-Shabaab Oo Shalay Weerar Ku Dishay 70 Ka Tirsan Ciidanka Burundi Ee AMISOM

0
596

Picture1

Muqdisho(Geeska)-Al-Shabaab ayaa habeen hore salaadii subax weerar  qorshaysan shalay ku qaaday fadhiisin ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Leego ee gobalka Shabeelada hoose ee Somaliya. Saraakiil iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in 70 ciidamada Burundi ee AMISOM lagu dilay kadib markii al-Shabab ay weerartay oo qabsatay xero ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Leego ee G. Sh. Hoose Weerarka ayaa ku bilowday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Siidii ayaa idaacada VOA u sheegay in  la la' yahay ciidamo Burundi ah iyo tiro badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Leego, kuxigeenkiisa iyo wali wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, waxaanu tacsi u diray dawladda Burundi oo uu qiray in askar u dhalatay weerarkaas lagu laayay.. Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka.

Al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadan.