“Tartan Waa La Ogal Yahay, Buuqse Lama Ogala, Meel Ha Looga Soo Wada Jeesto Nabadda”

0
545

waraabeHargeysa(Geeska):-Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah xildhibaanada aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay xuska sannad guurada 55aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska, waxaana uu hadalo isagu jira hambalyo, boggaadin, duco iyo dardaaran ah uu u soo jeediyey dhammaanba ummadda reer Somaliland, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in maalinta 26ka Juun ay qiime weyn ugu fadhido guud ahaan geyiga Somaliland, waxaana uu tilmaamay in ay Somaliland ahayd qeybtii ugu horeysay ee Shantii Soomaaliyeed ugu hor-qaadata xornimadii waagii mustacmarka sida oo kalena iska tuurtay heeryadii guumastahii Ingiriiska.

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay subax ka hadlaayey munaasibad loo qabtay xuska sannad guurada 55aad ee ka soo wareegtay 26ka Juun, waxaana uu ku dheeraaday qiimaha weyn ee maalintani ay u leedahay Somaliland, isaga oo Illaahay uga mahad-naqay in xornimaddii waagii 1960kii ka luntay Somaliland ay hadana maanta dib-u-la soo noqdeen.

“Maalintaasi maalin caan ah ayey ahayd oo taariikhda oo shanta Soomaaliyeed ee loo qeyb-qayb saday ay u kala goo go’day meel calan laga taago ay Hargeysa ugu horeysay, guul weeye, Illaahay waa uu innoo nageeyey haddii ay duul duushay oo ay soo weedadowday oo aynu maanta la soo noqonay calankeennii oo aynu maanta nabad-galyo ku joogno, Madaxweyne istaahil ahina uu inna hoggaaminaayo, Illaahay ayaa aynu ku mahadinaynaa. Waxaa aynu Illaahay ka baryeynaa in uu innoo nageeyo, waxaan Illaahay ka baryeynaa in makhluuqa intiisa xun uu Alleh innaga jeediyo, intiisa sanna reer Nabi Aadan Alleh innoo soo jeediyaa, Ictiraaf ayeynu dalabsanayee Illaahay kaamil gacanta innooga yeela oo aynu shirarka caalamka aynu wax ka tararsanno iyaguna wax ka tararsadaan, waxaan Illaahay ka baryeynaa in doorashadii sida wanaagsan innoogu dhacday ay hadana si wanaagsan innoogu dhacdaa”.Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ah odeyga ugu da’da weyn aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku baaqay in doorashooyinka dalka ka qabsoomaya lagu doono si habsami ah oo aan keensan in ay nabad-galyo darro sababaan, waxaana uu u soo jeediyey madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee u hanqal taagaya kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxtooyadu in ay aanay qaab wareer ah ku doonin kursiga, isla mar ahaantaana la ilaaliyo midnimada iyo qaranimada shacabka Somaliland.

“Buuqa ha laga ilaaliyo, tartan waa la ogal yahay, buuq se lama oggala, meel ha loogga soo wada jeesto nabad-galyada, ninka kursiga doonaya ee mucaaradka ahi isaga ayaa rasmigii ah oo kursiga ku socda, ninkaasi yaanu kursiga dhooqeyn oo walaaqin oo caruur iyo naago soo kicin oo shicibka wareer galin, kal-gacal ha lagu wada-shaqeysto. Illaahay sidii roon ha inna waafajiyo”.Ayuu yidhi Md.Cabdikariim Xuseen.

Md.Cabdi Waraabe oo ugu danbeyntii hadalkiisa sii wata, ayaa Illaahay ka baryey in sannadka sannadkiisa ay Somaliland ictiraaf buuxa ay ka hesho beesha caalamka, waxaana uu ummadda Somaliland u soo jeediyey in ay ku faro adaygaan midnimadooda, waxaana uu yidhi:

“Raga halkan isagu yimi maalintaana waa ay joogeen qaarkood, ragan hareeraha iga fadhiyaa waa ay joogeen ha kala weynaadeen e’ , Cismaan ayaa yaraa oo badhasaabnimadii qaatay. Maanta ragiinani waxba ka garan maysaan, ku madaxweyne doonaya iyo ku aan waxba doonayn oo wasiir ah iyo ma garanaysaan, wali guumaystihii(Mustacmarkii), ayaan idin dhibin, waxba weydaan ka garanaynin, waar waxa aad haysataan Soomaaliland ha ku faro adaygto , mid ha noqoto, ha is-jeclaato, ha wada socoto, bari iyo galbeed waxii fiicana ha la ilaaliyo”.