Tartanka Quraanka Bisha Ramadaan Oo La Soo Xidhay Iyo Wiil Yar Oo Wacdaro Ka Dhigay

0
492

 

quranHargeysa (Geeska)- Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan sannad walba lagu qabto masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo gebogabeeyey shalay alaabmarino qaali ah oo la guddoonsiiyey dhallinyaradii ku guulaysatay.

 

Tartankan oo ay soo qabanqaabiyaan guddi ka mid ah culimada waaweyn reer Somaliland oo muddadii bisha Ramadaan si xidhiidh ah u socday, isla markaana ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil ilaa tobankii sanno ee u dambeeyey, waxa sannadkan ka qaybgalay 70 wiil oo ka kala socday Gobalada Hargeysa, Sanaag, Saaxil, Sool, Togdheer, Gabiley iyo Gobolka Awdal oo 34 ka mid ahi ku tartamayeen xifdiga soddonka Jus iyo 36 ku tartamayey shan iyo tobanka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo dhinaca hablahana loo qabtay soddon hablood oo laga soo kala xusay madarasadaha iyo mac-hadyada magaalada Hargeysa.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo siddeedii wiil ee ugu sarreeyey oo ay ku jiraan labada wiil ee ku kala guulaystay kaalmaha kowaad ee soddonka jus iyo shan iyo tobanka jusna la guddoonsiiyey alaabmarino qaali ah oo isugu jira lacag adag iyo alaabooyin kale, waxa wacdaro ka dhigay wiil aad u da’diisu tahay 8 sanno jir oo kaalinta afraad u galay tartankii soddonka jus, kaas oo ay culimadu ku tilmaameen in aanay weligood arag ilmo la mid ah oo Qur’aanka sidiisa u xafiday.

Xaflad ballaadhan oo shalay galab loogu qabtay masaajidka Cali Mataan waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil oo ay wehelinayeen saraakiil ka kala tirsan shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel, culimaa’udiin badan iyo boqolaal dadweyne ah, iyadoo xafladaasi si toos ah looga tabinayey telefishanka HCTV oo ay u fududaysay shirkadda Somtel.

Imaamka Masaajidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah guddiga culimada tartanka qabata oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in 70 dhallinyarada ka qaybgalay tartanka xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ay ka soo dhex baxeen in ka badan boqol iyo kontan arday oo ku kala sugan gobollada dalka oo soo codsaday tartanka, kuwaas oo imtixaanno lagu kala reebay. Waxaannu Sheekh Maxamed Aadan u mahadnaqay shirkadda Dahabshiil oo uu ku ammaanay maalgelinta ay muddada dheer la garab-taagnayd tartankan.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Ismaciil Dheeg) oo ka mid ahaa guddidii qabanqaabada tartankaasi xifdiga Qur’aanka kariimka ah, ayaa ka warramay heerarkii kala duwanaa ee uu tartanku soo maray muddo labaatan sanno gaadhaysa oo la qabanayey, isagoo sheegay inuu soo maray saddex marxalood oo kala ahaa xilligii bilowga oo ahayd sannadihii 1992-1994, xilligii soo shaac-baxa oo ku beegnayd sannadihii 1995 – 1999 iyo heerka saddexaad oo ah xilliga horumarka uu gaadhay xifdiga Qur’aanka kariimka ah oo weli lagu jiro.

“Waxaannu u mahadnaqaynaa shirkadda Dahabshiil ee dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey maalgelinaysay tartankan, waxaannu Alle ka baryeynaa inuu maalkooda u xifdiyo. Waxa kale oo aannu u mahadnaqaynaa guddigii culimada garsoorka ah iyo weliba bahda warbaahinta,” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil.

Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa madasha ka jeediyey khudbad ka warramaysa fadliga Kitaabka Qur’aanku leeyahay ee ay helayso cid kasta oo akhrida, kuna camal-fasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin; inuu ehelkiisa u shafeeco qaadi doono maalinta Qiyaamaha, in ummadda Kitaabka Qur’aanka waynaysa uu Ilaahay kor u qaado, kuwa hoos u dhigana uu dulleeyo, in Nebigu (NNKHA) uu sheegay in dadka uu u khayr badan yahay qofka Qur’aaka barta ee dadkana baraa, in Ilaahay naxariis ku soo dejiyo goobta ama meesha lagu akhriyayo Qur’aanka,” ayuu yidhi Sheekhu.