Ciyaartooygii Somaliya U Metelayay Olambikada Oo Wareegii 1aad Ku Hadhay

0
581

 

orodLondon(Geeska)-Labadii Ciyaartooy ee ka socday dalka Somaliya ee ka qayb galayay tartanka ciyaaraha Olambikada adduunka ee ka socda magaalada London, ayaa ku hadhay wareegii koowaad ee tartanka ororada oo shalay qabsoomay.

Labada ciyaartooy ayaa kala ahaa Samsam Maxamed Faarax oo ku ordaysay tartanka orodka ee 400 Mtr, iyo Maxamed Xasan Maxamed oo isna ordayday tartanka 1500 Mtr. Laakiin labada ciyaartoyba waxay galeen kaalmaha u dambeeya, waxaanay taasi sabab u noqotay inuu dalka Somaliya ku hadho wareega koowaad, ka dib markii ay Samsam Maxamed Faarax oo shalay gelinkii dambe la ordaysay lix gabdhood oo kale ay gashay kaalinta u dambaysa ee toddobaad, waxaanay ku oroday Hal daqiiqo iyo labaatan ilbidhiqsi (1:20.48) , halka gabadha ugu soo xigtay ay ku oroday (Saddex iyo konton ilbidhiqsi (53:66).

Maxamed Xasan Maxamed, oo isna ku ordayday 1500 Mtr lana ordayay 13 dal oo kale, ayaa wuxuu  galay kaalinta 13aad, waxaana ka dambeeyay tartame u ordayay dalka Yemen. Mr. Maxamed, wuxuu ku orday saddex minit iyo lix iyo afartan ilbidhiqsi (3:46.16), waxaanay Somaliya sidaas ku hadhay wareegii koowaad ee tartanka, maadaama gabadha laga doonayay inay soo gasho afarta hore, halka wiilkana laga doonayay inuu soo galo lixda hore.