Hargeysa: Marxuum Cabdi Axmed Rooble Oo Si Heer Qaran Ah Loo Aasay

0
672

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa khamiistii xabaalaha magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Cabdi Axmed Rooble, oo ahaa siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii Somaliya iyo dawladihihii Somaliland. Waxa uu marxuumku muddooyinkii u dambeeyay u jiifay xanuun haleelay.

 

Marxuum Cabdi Axmed Rooble, oo sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM, waxa aaskiisa ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada, guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor, taliyaha ciidamada Booliska, guddoomiye xigeenka 2aad ee Golaha wakiilada, guddoomiyaha hay’adda NDC, xildhibaano, syaasiyiin, ganacsato, culimo, dhallinyaro iyo bulsho kale oo tiro badan. Alle haw naxariistee Marxuumku, wuxuu ka tirsanaa golihii u horeeyay ee xukuumadii SNM ee dib u soo celisay xorriyada Somaliland.

Maxamed Macalin oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland, oo ka hadlay taariikhda Marxuumka, ayaa wuxuu sheegay inuu dhashay sannadkii 1942. “Marxuum Cabdi wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa, markii ay taariikhdu ahayd 1942-kii. Cabdi wuxuu wax ku soo bartay wadanka Yemen, gaar ahaana magaalada Cadan, isagoo ku takhasusay cilmigi nijaarida. Cabdi markii uu dhamaystay waxbarashadiisii waxa uu ku soo laabtay wadanka Somaliland 1960-kii, wuxuuna noqday macalin, muddo yar kadib waxa uu Cabdi deeq waxbarasho u tagay wadanka Jarmalka oo uu ku maqnaa muddo afar sano ah.” Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yidhi Maxamed Macalin, “Mujaahid Cabdi wuxuu ku biiray ururkii SNM, waxaanu ka mid ahaa raggii u soo halgamay xoriyada Somaliland. Cabdi waxa uu wasiirkii maaliyada ka noqday dawladii ugu horeeysday ee uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur). Mujaahidku wuxuu ahaa nin firfircoon oo kaftan badan oo wuxuu doonayo cidna aan u daba fadhiisan jirin. Cabdi wuxuu ka tagay lix hablood, saddex wiil iyo hooyadood. Marxuumka waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu naxariistiisa janl ka siiyo, inta uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.”

Wasiirka cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, oo isna ka hadlay taariikhda Marxuumka, ayaa yidhi “Cabdi Alle ha u naxariistee intii aan ka aqaanay wuxuu yaraantiisii wax ku bartay iskuul ku yaala Cadan, dabeetana macalin ayuu ka noqday dugsigii tareersiga ee magaalada Hargeysa. Kadib waxaa loo diray dhawr iyo lixdankii Rabi ha naxariistee warbarasho dibada ah oo Jarmalka ah, sidaan filaayo markuu dhamaystay waxbarashadaas wuxuu bilaabay ganacasi oo wershad Xamar ah. Intaas kadib wuxuu ciidanka Asluubta u noqday madaxdii farsmada ee ay lahayd wershadii ciidanka Asluubtu alaabtii ay soo saari jirtay, halkaas oo lagu soo saari jiray qalab aad u badan oo laashash leh oo badda lagu isticmaalo.”

Wasiir Xuseen, wuxuu intaas raaciyay “Intaas ka bacdi Cabdi Axmed Rooble wuu dhoofay oo carabta ayuu tagay, gaar ahaana dalka Sucuudiga oo uu muddo ka shaqeeyey, dabeeto wuxuu ku biiray ururkii la odhan jiray SSDF, qoladaas SSDF ayey is af garan waayeen, kadib waa la xidhay, ka bacdi markii uu xadhigii lagu xidhay Itoobiya ka soo baxay ayuu ku soo wareegay ururkii SNM. Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay SNM.”

Isagoo ka hadlaya shakhsiyadii Marxuumka, wuxuu wasiirku sheegay inuu ahaa qof cibaado badan oo dhaqan wanaagsan. Alle haw naxariisto Marxuum Cabdi Axmed Rooble.