Talooyinka Ka Hortegga Xanuunka Coronavirus Ee Ku Habboon Dugsiga, Suuqa, Goobta Shaqada Iyo Xabsiyada

0
849

Adduunyada oo dhan waxaa hadheeyey cabsi weyn oo laga qabo faafitaanka xanuunka Coronovirus oo si xawli ah u faafaya, khatarna gelinaya nolosha aadamaha. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in feejignaan dheeraad ah loo yeesho hababka ugu fiican ee looga hortegi karo cudurkan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin guud o oay dhakhaatiirtu sheegeen in ay wax ka tarayaan ka hortagga xanuunkan.

  1. Labada gacmood si fiican joogto ugu maydh.
  2. Masaafad ugu yaraan hal mitir ah u jirso qof kasta oo hindhiso ama qufac aad ku aragto.
  3. ka dheeroow taabashada wejiga, sanka iyo afka. Gacantu waxa ay mar kasta tahay halka ugu dhow ee uu fayraska Coronovirus gaadhayo, sidaa awgeed taabashada sanka, afka ama indhaha iyo dheguhu waxa ay fursad u siinaysaa in uu jidhka gudaha u galo.
  4. Marka aad hindhisayso ama qufacayso waxa aad afka iyo sanka ku dabooshaa tuwaal ama masar, kaddibna tuur, oo mar labaad ha isticmaalin.
  5. Haddii aad xanuun dareento ha ka bixin gurigaaga.
  6. Haddii aad dareento xummad aad u daran ama qufac qallalan oo badan, iyo haddii aad aragto neefta oo cidhiidhi ah, dhaqso u booqo cisbitaal.

Goobaha shaqada

  1. Si adag u raac talooyinka caafimaad ee kor ku xusan.
  2. Caadayso in aad joogto gacmaha u dhaqdo.
  3. Iska jooji in aad qofka laabta-laabta u saarto, in aad dhunkato ama aad gacanqaad ku salaanta.
  4. Joogto u nadiifi meelaha uu Fayraskani ku noolaan karo ee taabashadeedu qasabka tahay. Waxaa ka mid ah gacanta albaabbada, qalabka joogitaanka shaqaalaha diiwaangeliya ee farta la saaro, batamada korontada, biraha sallaanada hareerahooda ee la taageerto, iyo kombiyuutarrada.
  5. Haddii qofka shaqaalaha ahi uu isku arko cuncun ama hindhiso waa in uu si dhaqso ah ugu wargeliyo maamulaha shaqada, degdegna ugu tago dhakhtar.

Suuqyada

  1. Raac talooyinka kor ku xusan oo dhan.
  2. Ka dheeroow sayladda xoolaha nool lagu iibiyo, haddii ay qasab tahay in aad tagana ku dadaal in aad afka iyo sankaba ku xidhato marada lagu daboolo.
  3. Ha taaban hilibka caydhin.
  4. Joogto u isticmaal dawooyinka gacmaha la mariyo ee dila bakteeriyada.

Dugsiyada waxbarashada

  1. Raac talooyinka kor ku xusan.
  2. Maamulka dugsigu waa in uu subax kasta kormeera xaaladda guud ee caafimaadka ardaydiisa. Haddii uu midkood ku arko calaamado hargab, cuncun, xummad ama qufac waa in uu dhaqso ugu diraa dhakhtarta dugsiga, haddii aanu jirinna gurigooda ku celiyo waalidkana la socodsiiyo in dhaqso cisbitaal loogu qaado.
  3. Waa in ardayda dugsiyada joogto loogu sameeyo wacyigelin caafimaad oo Coronovirus la xidhiidha.
  4. Waa in la xoojiyo habdhiska difaaca jidhka ee ardayga, iyada oo waalidka lagu baraarujinayo hababka ugu fiican ee ay u mari karaan xoojinta habdhiska difaaca.
  5. Waa in la joojiyo meelaha ay ardaydu isugu wada imanayso, lagana ilaaliyo ardaygu in uu tago meelaha cidhiidhiga ah.
  6. Waalidku waa in uu dugsiga ka joojiyo ilmihiisa uu ku arko caabuq, dhibaato dhinaca neefsiga ah, xummad iyo calaamadaha hargabka. Si looga hortago in ilmahan oo xanuunkan qabaa uu qaadsiiyo ardayda kale.
  7. Dhakhaatiirta waxa ay waalidka kula talinaysaa in ay carruurta u iibiyaan dawada jeermiska disha ee gacmaha la mariyo.

Xabsiyada

Xabsiyada ayaa ka mid ah meelaha ugu khatarta badan faafitaanka guud ahaan cudurrada, gaar ahaan xanuunnada qaaxada, AIDS ka iyo beer xanuunka. Waxa kale oo ay khatar u yihiin in uu si fudud ugu dhex faafo Fayraska Koroona. Hay’adaha dawladda waxaa waajib ku ah in ay kor u qaadaan heerka caafimaad ee xabsiyada, oo ay ka mdi tahay in kor loo qaado nadaafadda, in laga dheeraado in meel keliya la isugu soo ururiyo maxaabiis badan iyo in qofka lagu arko calaamado hargab dhaqso looga dhex saaro maxaabiista.

Cidhiidhiga qolalka xabsiga, hawada oo qolalka ku yaraata, huurka badan, nadaafad darrada maxaabiista iyo qolka iyo biyaha ama cuntada oo aan nadaafaddooda la hubin, ayaa dhammaantood sababi kara faafista Fayraskan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here