Ergayga Midowga Yurub Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Hargeysa U Imanaya Sii Ambo-qaadka Heshiiskii Madaxweynaha Iyo Mucaaradka

0
669

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga ayaa maanta Hargeysa u imanaya inuu indho-indheeyo waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii uu toban maalmood ka hor ka dhex dhaliyay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka. Ergayga ayaa la sheegay inay weheliyaan diblomaasiyiin kale.

Ergayga, ayaa marka uu Hargeysa yimaado waxa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweyne Biixi, madaxda xisbiyada mucaaradka iyo guddigii hore ee doorashooyinka oo hadda ah guddi farsamo oo la shaqaynaysa guddiga doorashooyinka. Lama hubo inuu la kulmi doono guddiga doorashooyinka, haddiise uu la kulmo wuxuu noqonayaa kulankii u horeeyay ee masuul ka tirsan dalalka deeq bixiyayaashu uu la yeesho guddiga doorashooyinka.

Geesta kale, waxa iyana suurtogal ah in ergaygu maanta Hargeysa keeno saddexda xubnood ee shisheeyaha ah heshiiska ku jiray inay ka mid noqon doonaan guddiga farsamo. Wararka qaar ayaa sheegaya in saddexda qof ka soo kala jeedaan dalalka Ingiriiska, Denmark iyo Talyaaniga.

Heshiiska oo ka koobnaa 7 qodob, ayaan weli si rasmi ah loo hirgelin qodobadii lagu heshiiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here