Talooyin Qof Kasta Ka Caawinaya In Uu Ilaaliyo Caafimaad Qabka Wadnihiisa

0
647

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Yahoo Maktuub waxa ay soo bandhigaysaa nidaam nololeed uu qofku ku dhowri karo caafimaadka wadnihiisa.

1.  Iska yaree Milixda: Mar kasta oo ay korodho xaddiga milixda ee qofku cunayo waxa uu khatar u yahay dhiig kar, haddii uu marka hore dhiigkar lahaana khatartu waa ay ka sii badanaysaa. Taasina waxa ay sii badinaysaa in qofka ay ku dhacaa cudurrada wadnaha iyo Faalig ama dhiigfuran maskaxda ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qofka weyni aanu maalintii cabbin wax ka badan 6 giraam oo milix ah, carruurtana 3 giraam.

Sidoo kale waxaa waajib ah in qofku uu aad uga taxaddaro cuntooyinka qasacadaysan gaar ahaan marka ay ku jirto maadadda sodium. 1 giraam oo sodium ahi waxa ay u dhigantaa 2.5 giraam oo milix ah, caadi ahaanna waxaa muhiim ah in qofku uu iska ilaaliyo cuntooyinka ay ku jirto sodium ka badan 1.5 giraam oo milix ah.

2. Badso cunista Khudradda: Talooyin la xidhiidha caafimaadka iyo cuntada oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa dadka ku dhiirri gelisay in qofku uu maalin kasta illaa shan jeer cunaan khudrad nooc kasta oo ay tahay, in qofku uu ku dadaalo cunista cuntooyinka ay ku badan tahay maadadda Potassium. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku uu helo faytamiinno dheeraad ah, macdano iyo cuntooyinka ganka leh, kuwaas oo dhammaantood hoos u dhiga khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnuhu. Dhinaca kalana khudradda iyo cuntooyinka galka lihi waxa ay caawiyaan hoos u dhigista kalastaroolka. Khudradaha macaanka yareeya ee dalkeenna laga helana waxaa ka mid ah, Badingaanka, Baamiyaha, Baradhada, Maangaha, Faasuuliyaha iyo inta badan ee cuntooyinka midhaha ah.

3. Iska yaree sonkorta: Waxaa jira caddaymo badan oo muujinaya in sonkortu ay kiciso heerka sonkorta dhiigga, muddo dheer marka la isticmaalana waxa ay keentaa cudurrada macaanka iyo wadne xanuunka, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan  in qofku uu iska yareeyo mac-macaanka iyo cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay.

4. Iska yaree dufanka: Dufanka, gaar ahaan noociisa afka qalaad ay khubaradu ku magacaabaan Saturated fat. Cuntooyinka ay duxdani ku badan tahayna waxaa ka mid ah subagga caanaha laga saaro, baruurta iyo hilibkadufanku ku badan yahay iyo cuntooyinka shiilan. Kuwaas oo dhammaantood kor u qaada xaddiga Kalastaroolka ee dhiigga.

Laakiin waxaa jira dux iyadu waxtar u leh caafimaadka oo ka qayb qaadata isu dheelli tirka iyo wanaajinta Kalastaroolka, waxaana ka mid ah saliidda dhirta laga sameeyo, caanaha duxdalaga saaro ama ay ku yar tahay iyo cuntooyinka karsan oo ka fiican cuntada shiilan.

5. Cun Kalluunka dufanka leh: Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay sheegayaan in kalluunka noocyadiisa Solomon, Herring ka iyo Tuna oo aan ahayn ka qasacadaysan ay dhammaantood leeyihiin duxda asiidhka ah ee Omega3 lana aaminsan yahay in duxdaasi ay si weyn ugu fiican tahay caafimaadka wadnaha iyo wanaajinta heerka kalastaroolka.

Khubaradu waxa ay sheegeen in sida ugu fiicani ay tahay in qofku uu toddobaadkii afar maalmood cuno.

Digniin: Laakiin waxa ay xeeldheerayaasha caafimaadku ay sheegeen in gabadha uurka leh iyo gabadha doonaysa in ay uur qaaddo labadaba ay u fiican tahay in aanay kalluun cunin hal mar wax ka badan toddobaadkii.

Waxaa xusid mudan in duxda Omega3 ee kalluunku qaniga ku yahay, sidoo kale laga heli karo, khudradaha qaarkood, Qamandiga, Fuulkanoocyo ka mid ah, iyo cuntooyin kale. La soco…