Talooyin Muhiima Ah Oo Khubarada Gaadiidku Ka Bixiyeen Ilaalinta Iyo Isticmaalka Saliidda Mishiinka

0
597

Hargeysa (Geeska)- In kasta oo uu gaadiidku si aad ah ugu soo badanayo magaalooyinka Somaliland, dhibta ugu weyni waxa ay ka 1taagan tahay baabuurta dalka timaadda oo inteeda ugu badani, haddii aanay dhammaanteed ahayn ah baabuur muddo dheer hore loo soo isticmaalay oo waqtiga ay warshadda ka soo baxeen (Model) koodu horreeyo, taasina waxa ay keentaa dhibaatooyin joogto ah oo qofka gaadhiga leh qabsada iyo cillado aan dhammaan. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira cillado gaadiid oo inta badan sababtooda ugu weyn uu leeyahay qofka gaadhiga wadaa.

Cilladahaas gaar ahaan kuwa mishiinka ku dhacaana meelaha ay ka iman karaan waxaa ka mid ah saliidda mishiinka lagu shubo oo noqota mid tayadeedu liidata ama muddo dhaaf ku noqota mishiinka. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah faa’idooyinka tirada badan ee saliidda Mishiinku ay u leedahay gaadhiga, iyo talooyin khubarada gaadiidku sheegeen oo haddii waduhu uu ilaaliyo wax badan u tari doona tayada shaqo iyo cimri dhererka gaadhiga.

Saliidda Mishiinku waxa ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu gaadhiga samayskiisu ka kooban yahay:

1. Waxa ay qaboojisaa mishiinka, waxa aanay dheeraysaa cimrigiisa.

2. Mar kasta oo aad safar gelayso gaadhiga saliiddiisa eeg, halka ay joogto iyo in ay weli cusub tahay.

3. Mar kasta oo uu gaadhigaagu 2 kun oo Kiiloomitir socdo hubi in saliidda laga beddelo in uu u baahan yahay.

4. La soco xaddiga saliidda ku jirta gaadhiga, waxaana muhiim ah in aanay ka hoosayn halka ku calaamadsan mitirka yar ee lagu qiyaasayo.

5. Mar kasta oo gaadhigu uu socdo 5 Kun oo Kiiloomitir waxaa muhiim ah in laga beddelo Filtarka, (Saliid sifeeyaha inta badan saliidda aynu la beddelno)

6. Marka gaadhigu uu socod badan yahay ama culays badan qaado waxaa fiican in saliidda laga beddelo waqti in yar ka horreeya waqtiga laga beddelo marka socodkiisa iyo shaqadiisu ay caadi yihiin.