Talooyin Muhiim U Ah Barbaarinta Ubadka (2)

0
778

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee Qormadii aynu ku eegaynay talooyin muhiim u ah barbaarinta ubadka:

Xeeldheereyaasha barbaarinta iyo cilminafsiga carruurtu waxa ay waalidka kula talinayaan in ay si feejigan ula socdaan xidhiidhada kalgacal ee ay carruurtoodu yeelanayaan, iyo dhexgalkooda bulshada. Si kasta oo uu waalidku u arko in ilmihiisu uu ku talaxtegayo xidhiidhka kalgacal ee uu cid la yeelanayo, ama si kasta oo uu tallaabo iyo fal fool xun ugu kaco ilmuhu, waxaa waalidka ku ah in uu si xikmadaysan u saxo qaladka, balse aanu ka dhigin qodob uu canaan iyo ciqaab ka abuur, waayo waxaa run ah in ilme kastaa uu xaaladdan oo kale marayo.

Waxaa waalidka waajib ku ah in aanu dhayalsan ama iska indho tirin, xidhiidhada kalgacal ee uu ilmuhu yeelanayo, waa in uu bilowga horeba sii diyaariyo jawi uu ilmaha ku abuurayo kalsooni uu ilmuhu ku dhiirran karo in waalidka uu uga warramo xidhiidhadiisa sirta ah. marka laga tago in arrintani ay faa’iido u tahay ilmaha, oo cidda uu xidhiidhka ka leeyahay barashadeeda si kalsooni ah waqti ugu heli karo, waalidkana ka talo qaadan karo. Waxa kale oo ay ogaanshiyaha kalsoonida ku dhisan ee waalidku ilmaha u leedahay faa’iido caafimaad. Tusaale ahaan, haddii ilmuhu uu ku fashilmo xidhiidh saaxiibtinimo oo dhow ama xidhiidh kalgacal oo uu jinsiga kale la lahaa, waxaa hubaal ah in ay ku yeelanayso raad nafsi ah oo u baahan in uu muddo ka soo kabto. Waxa se dhibaatada ilmaha haysataa ay sii badanaysaa marka uu ogyahay in uu waalidkii marka horeba meel adag ka taagnaa xidhiidhada gaarka ah, taas oo ku kallifi karta in uu qarsado dhibta.

In waalidku uu aragti diidmo ah kala hor yimaaddo xidhiidhada jacayl ee uu ilmihiisu la yeelanayo dhiggiisa jinsiga kale, ama uu ilmuhu dareensan yahay in aanu xidhiidhkaas taageero uga helayn waalidkii waxaa dhacaysa in uu ku dadaalo in uu qariyo, taasina waa ta keenaysa dhibaatada ugu weyn, oo ah in qof aan kufkiisa ahayn ama ku habboonayn la xidhiidho iyo in dhibaatada xidhiidh ee soo gaadha uu qarsado. Waxa aanay sabab u noqonaysaa in dhaawaca soo gaadhay ilmuhu uu sii ballaadho.

Waalidka waxaa lagula talinayaa in uu si cilmi ah u barto ama waayo-aragga ku habboon kala tashado sida ugu habboon ee ay tahay in uu u fahmo dareenka ilmihiisa una xakamayn karo isaga oo haddana aan dareensiinayn in xorriyadii uu ka qaadayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here