Talooyin Muhiim Ah Oo Kaa Caawinaya In Sawirka Aad Gelaysaa Uu Soo Baxo Mid Aad U Qurux Badan (Q. 2)

31
4135


Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa ay ku soo gudbinaysaa talooyin ay sheegtay in qofka raaca ay ka caawinayaan in sawirka uu iska qaadayaa noqdo mid qurux badan.
7. Bootarrada dhalaalaya: In kasta oo ay weji qurxintu u badan tahay, haweenka haddana waa ay jirtaa in ragga laftooduna ay sameeyaan, gaar ahaan munaasabadaha gaarka ah, xeeldheereyaasha sawirku waxa ay sheegaan in kiriimada weji qurxinta loo isticmaalo oo noqda kuwo midabkoodu dhalaalayaa ay muuqaalka sawirka ee qofka u ekeysiiso da’ ka weyn da’diisa saxda ah. Sida oo kale marka uu ilayska kamaraddu ku dhaco dhalaalka weji-qurxinta ‘Makeup’ ka waxa uu sameeyaa muuqaal u eeg coodhcoodh. Sababahaas awgood waxaa fiican in marka qofku uu sawirka gelayo uu iska ilaaliyo in uu marsado guud ahaanba wax kasta oo dhalaal samayn kara, sida bootarrada iyo indhakuulaha midabka dhalaalka ah leh. waxa kale oo iyaduna muhiim ah in laga dheeraado xamuuradaha debnaha la mariyo ee midabkoodu furan yahay oo iyaguna sababa in ay kamaraddu muujiso ceebaha kale ee maqaarkeeda.
8. Dhoolla caddayn: Dhoolla caddayntu waa quruxda ugu fiican ee wejiga, gaar ahaan marka sawirka la gelayo. Ha illaawin in marka aad sawirka gelayso aad dhoolla caddayn qurux badan ku dhigto debnahaaga. Dhoolla caddayn si fiican u muuqata oo debnahaaga ka muuqataa waxa ay qurux dheeraad ah u samaysaa muuqaalkaaga sawirka.
9. Eega isha kamaradda dusheeda: Si aad sawir qurux badan u hesho, toos ha u eegin kamaradda ama isha kamaradda lafteeda, laakiin indhahaaga ku jeedii kamaradda dusheeda oo in aad u yar ka sarraysa.
In aad kamaradda dusheeda in yar ka sarraysa eegtaa waxa ay ku siinaysaa muuqaal aad uga sii quru badan ka dabiiciga ah ee aad leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here