Talooyin Ku Siinaya Habab Aad Ku Wanaajin Karto Noloshaada Sannadka Cusub Ee 2018 Ka (1)

33
3761

Washington (Geeska)- Wargeyska New York Times ee ka soo baxa carriga Maraykanka, ayaa warbixin ay dhowaan ka samaysay sida ugu tolmoon ee uu qofku noloshiisa u maarayn karo sannadka 2018 ka, waxa ay waraysiyo cilmiya la yeelatay xeeldheereyaal kala duwan oo soo jeediyey is bedello fudud oo la taaban karo, oo haddii uu qofku sannadka cusub la bilaabo laga yaabo in ay wax weyn ka beddelaan noloshiisa.

Waxa ay khubaradu sheegeen in talooyinkani ay ka bilaabanayaan in qofka loo tilmaamo sida uu u wanaajin karo aragtidiisa ku aaddan nolosha, ilaa laga soo gaadho muuqaalka guud ee qofka iyo xitaa gurigiisa, iyo sida ay  tahay in uu u daneeyo maamulka iyo maaraynta maaliyadda soo gasha. Qofka sida ay tahay u raacana ay si la taaban karo uga caawinayaan in uu helo nolol ka wanaagsan tii hore, oo ku dhisan maskax iyo aqoon.

Talooyinkaas oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo turjumay ayaa u dhignaa sidan:

  1. Farxad ku nooloow

Xeeldheereyaasha cilminafsiga iyo habdhaqanka aadanuhu waxa ay waqti aad u badan geliyeen baadhista waxyaabaha keena in qofku noqdo mid faraxsan, ama murugaysan. Farxaddu waxa ay saadaalisaa caafimaad iyo cimridherer, waxa aana dhacda in marka la eegayo horumarka bulsho ka samaynayso arrimaha bulshada iyo guulaha ay ka gaadhayso siyaasadda guud, laga eego heerka farxadeed ee dadka.

Farxaddu ma’aha wax uun mar inta uu si aan ku talagal ahayn u dhaco qofka ku abuuraya farxad, balse wax kasta oo wax ka beddeli kara habdhaqankaaga, ama duruufaha aan fiicnayn ee kugu xeeran, iyo sida oo kale wax kasta oo fududaynaya in aad xidhiidhadaada ka dhigto kuwo ku socda jid badqabaa, waxa uu sabab u noqdaa in naftaadu dareento raalli ahaanshiyo iyo farxad.

Si aad farxad u hesho:

– Ka dheeroow in aad si taban u fikirto. Marka uu fikir tabani kugu soo dhacana maskaxdaada dhaqso uga saar.

– Naftaada sida ruux aad saaxiib tihiin ula macaamil, si ay kugu muuqdaan wanaaggeeda iyo xumaanteeduba.

– Jimicsiyo neefsi ah samee. (Neef dheer inta aad hoos u qaadato soo celi).

– Samayso xusuusqor maalinleh ah oo aad habeen kasta ama aroorta hore ku qorto shaqooyinka iyo hawlaha ay tahay in aad qabato iyo sida ay u mudan yihiin in loo kala horreysiiyo.

– Is bar in aad qorto dhacdooyinka maalinlaha ah ee aad la kulanto, arrimaha xususuta mudan, qodobbada in aad go’aan ka gaadho kaaga baahan iyo arrin kasta oo aad u aragto in uu xusuus mudan yahay. Habeen kasta, toddobaad kasta ama bil kasta dib u eeg xusuusreebkaaga, si aad u aragto waxa qaldamay iyo meelaha dib u noqoshada u baahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here