Talooyin Caawinayo In Macaanka Dhiigga La Dejiyo

0
170

In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujiya macaanka, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga. Gulukoostu waa sonkor uu jidhku caadi ahaan u baahan yahay maadaama oo ay tahayu il muhiim ah oo uu ka helo tamarta, laakiin dhibaatadu waa in ay heerkeeda dabiiciga ah ka badato. Hormoonnada Insulin iyo Glucagon ayaanay shaqadoodu tahay nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, sida oo kale hormoonnada Adrenaline iyo Cortisol ayaa ka qaybqaata xakamaynta kor u kaca sonkorta dhiigga.

Warbixintan caafimaad oo lagu faafiyey shabakadda Aljazeera ayaa sheegaysa in dadka macaanka noociisa koowaad qabaa ay dhibaatadoodu tahay hormoonka Insulin oo ku yar jidhkooda, laakiin dadka macaanka nooca labaad qaba jidhkoodu waa uu samaynayaa xaddi ku filan oo hormoonka Insulin ah, laakiin dhibaatada haysataa ay tahay awooddii Gulukoostu ku gaadhi lahayd Unugyada oo aan jirin. Labada xaaladood ee aynu xusnayba waxaa kor u kaca heerka sonkorta dhiigga waxa aanay dhaawac xun gaadhsiisaa neerfayaasha, Indhaha, keliyaha iyo xididdada dhiigga.

Haddaba dadka qaba macaanka noociisa koowaad waxaa waajib ah in ay helaan dawo ah maadadda Insulin, mana jiro hab kale oo ay ku xakamayn karaan kicitaanka sonkorta. Laakiin dadka macaanka noociisa labaad qaba waxaa jira habab ay sonkorta dhiggooda ku yarayn karaan, oo lagaba yaabo in ay mararka qaarkood dawo ka maarmi karaan. Iyada oo ay marwalba waajib tahay in bukaanku uu dhakhtar la tashato inta aanu isticmaali dawo macaan ah iyo marka uu isticmaalo kaddib, wax kasta oo uu dawo ahaan u isticmaalayana ay tahay in uu dhakhtarka kala tashado.

Hababka ugu fiican ee bukaanka macaanku ay ku dhimi karaan heerka sonkorta dhiigga waxaa ka mid ah:

Iska jir qulubka

Qulubka iyo culayska nafsiga ahi waxa ay kordhiyaan heerka hormoonka Cortisol oo isaga iyo hormoonno kale oo uu ka mid yahay Glucagon ay keenaan in ay kor u kacdo heerka sonkortu. Haddaba haddii aad xaaladahan nafsiga ah isku aragto naftaada kula dagaal xasiloonida, sida oo kale samee jimicsi maalinlew ah. In qofku uu hurdu ku filan seexdo ayaa iyaduna kaalin muhiim ah ka ciyaarta dejinta xaaladahan nafsiga ah. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in hurdo yaraantu ay kor u qaaddo hormoonnada keena diiqadda iyo qulubka.

Cuntooyinka leh Kaarboohaydarayt ka

Cuntooyinka hodanka ku ah Karboohaydaraytku waxa ay si dhaqso ah kor ugu qaadaan heerka sonkorta dhiigga, sidaas awgeed qofka qaba macaanka waxaa lagula talinayaa in aanu cunin cuntooyinkan. Waxa aanay dhakhaatiirtu kula talinayaan cuntooyinka ay ku yar tahay Kaarboohaydaraytka oo ay ka mid yihiin cuntada badarka / firiga ah ee ay Soomaalidu waddaniga u taqaanno, sida qamandiga, digirta iwm, iyo sida oo kale khudaarta.

Cuntooyinka ay dhakhaatiirtu dadka macaanka noocyadiisa leh uga digayaan waxaa ka mid ah Daqiiqada cad iyo cuntooyinka ay ku jirto sonkortu.

Miisaanka

Bukaanka qaba macaanka noociisa labaad, talada ugu mudan ee ay dhakhaatiirtu siinayaan waa in uu miisaank dhimi, haddii uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka badan yahay. Mar kasta oo uu miisaanka qofku kordho, waxaa kordhaya xaddiga uu jidhkiisu uga baahan yahay hormoonka ‘Insulin’ halka mar kasta oo uu miisaanku yaraado ay hoos u dhacdo heerka sonkorta dhiiggu.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in guusha ugu fiican ee miisaan dhimistu ay tahay in qofku uu muddo lix bilood illaa hal sano ah ku dhimi boqolkiiba 5 miisaankiisa. Taas oo ay sheegeen in ay tahay bar bilow fiican oo uu qofku halkaas hoos uga sii wadi karo miisaanka.

Dufanka badan

In dufan iyo iidaan xoolaad ay cunrtadu lahaataa waxa ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin dufanka oo ku bataa waxa ay keentaa khataro caafimaadka. Sidaas awgeed talada ugu fiicani waa in qofku ka dheeraado dufanka badan iyo gaar ahaan dufanka xoolaha, sida xaydha iyo baruurta, maadaama oo dufankani sababo in jidhku uu iska caabbiyo maadadda Insulin ee uu u baahan yahay. Waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in la cuno cuntooyinka leh asiidhada dufanka ah, sida dufanka Kalluunka.

Cabbitaannada qaar

Cabbitaannada ay ku badantahay sonkortu sida sharaabka khudradda laga miiraa waxa ay ka qaybqaataan in sonkorta dhiiggu ay korodho. Laakiin cabitaannada ay ka mid yihiin shaaha guud ahaan iyo gaar ahaan shaadhka cagaaran waxa ay dejiyaan sonkorta waana ay u fiican yihiin dadka macaanka qaba. Waxa uun muhiim ah in sonkor aan lagu darin.

Jimicsi

Qofku marka uu jimicsanayo muruqyadu waxa ay qabtaan shaqo ka badan inta ka badan marka uu qofku shaqo caadiya qabanayo, taasina waxa ay kordhisaa tamarta ay isticmaalayaan oo dabcan iyaduna gubaysa sonkorta ku jirta dhiigga.

Maadaama oo uu jimicsigu gubayo Guluukoos badan hoosna u dhigayo heerka macaanka jidhka ku jira, sida oo kalana caawinayo dhimista miisaanka waxa ay khubaradu ku talinayaan in jimicsi joogto ah oo ku habboon ay joogto u sameeyaan bukaanka macaanku.

Dadka aan hore u caadaysan jimicsiga waxa ay xeeldheereyaashu kula talinayaan in bilowgaba aanay jimicsiga ku talaxtegin, tusaale ahaan ha ku bilaabaan socod masaafad yar ah, kaddibna ay si yaryar hadba in ugu kordhiyaan.

Qorofal

Qorofalku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu waxtarka badan dhinaca dhimista sonkorta dhiigga. Qorofalka oo si joogto ah loo isticmaalaa waxa ay yaraysaa sonkorta dhiigga, laakiin waxaa waajib ah qofka macaanka qabaa inta aanu Qorafalka ama dawo kale oo kasta oo dhaqan ah isticmaalin in uu la tashado dhakhtar takhausus ah, iyo in aanu iskii wax ka beddel ama joojin ugu samayn dawada dhakhtarku u qoro.

Qaabka qorofalka loo isticmaalayaa waa in lagu darsado shaaha ama bunka, sida kale waxaa lagu dhex daro karaa saldaatada cuntada la raaciyo.

Jimciyadda Jarmalka ee bukaanka macaanka ayaa ku talinaysa in qofka macaanka qabaa uu xaddi yar ka isrticmaalo khudradda leh macaanka, sida muuska iyo cinabka, waxa aanay ku talinayaan khudradda ay sonkortu ku yartahay ee uu tufaaxu ka midka yahay.