Bayaan Ku Salaysan Galdalooloyinka Uu Leeyahay Xeerka Sinadu, Iyo Xadgudubyada Kale Ee La Xidhiidha (Lr. 78/2020)

0
137

Rabshadaha la xidhiidha tacadiyadda ka dhanka haweenka iyo hablaha, dhibatooyinka kale ee loo geysto haweenka Somaliyeed waa qaar mudo badan soo jiray, hase ahaate aan loo helin wali xeerar xakameey oo soo afjara dhibaatoyinka. Waxay noqotay markii ugu horeeysay in Somaliland la ansixiyo xeerka ka hortaga kufisga iyo tacadiyada la xidhiidha, Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi ayaa ansixiyay xeerka ka hortaga tacadiyadda iyo kufsiga (Lr.78/2018), go,aankan taariikhiga ah waxaa ay qayb ka noqotay arimaha lagu horumarinayo korna logu qaadayo xuquuqda ay haweenka, hablaha iyo carruurta, si ay ugu nooladaan deegaan nabadoon.

kiiskaska kufsiga wadareed iyo kufsiga wuxuu noqday mid argagax leh oo khatar ku noqday aminga haweenka, gabadhaha iyo carruurta ku nool Somaliland. Sharciga waxaa ugu dambeyn la ansaxiyay bishii Abriil 2018, waxana lagu meel mariyay cod aqalabiyeed oo dhan 42, codka goolaha wakiilada. Sharcigan la xidhiidha ka hortaga kufsiga iyo dambiyadda la xidhiidha ee ay ka mid yihin kufisga, kufsiyadda kooxeedyadad, iyo xadgudubka dambiyada, guurka carruurta iyo ka ganacsiga. Waqtigan xaadirka ah, Golaha Guurtida wuxuu ansaxiyay, wax beddelna ku sameyey 15 qodob oo ka mid ah xeerka, waxay ka beddelka ay ku sameyeen xeerka waxa uu sameeyey qodobada aasaasiga ah ee la xidhiidha dacwadaha ka dhanka ah kufsiga, sidoo kale waxay hoos u dhigeen ciqaabta loogu talo galay dambi falaha, iyo habraaca buuxinta cabashooyinka iyo qodobbada muhiimka ah ee la xidhiidha kufsiga.

Sanadkii 2018, Wasaaradda Arimaha Bulshada, shaqalaysiinta iyo  Arimaha Qoyska, waxay soo saartay warbixin ay ku xusan tahay 520 kiis of kufsi ah in ay ka dhaceen wadanka, sidoo kale sanadkii 2019 waxay soo saartay in 460 kiis oo kufsi ay ka dhaceen sidoo kale wadanka, waxa kal jira kiisaska kufsiyo aad u tiro badan kuwaas oo intooda badan aan la soo sheegin laguna dhameeyay hab dhaqaan, iyo sababo la xidhiidha takoorida badan ku dhacdaa qofka haweenka ee kufsiga loo geystay, iyo adeegyadda iyo fursadaha ay dadwaynuhu ay u helaan warbiximaha ku salaysan kufisga oo aad u yar. warbixinaha qaarkooda waxay sheegayn in dhacdoyinka kufsigiu inuu ka dhaco meelaha adeega dawladu ku yar tahay sidaa miyiga iyo barakacayaasha.

Nasiib daro, Ogosto 2020,  goolaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland waxay ansixiyeen sharci cusub oo lid ku ah kii madaxwaynah Somaliland ansixiyey ee xeer( Lr.78/2018), sharciga cusub ee ay ansixiyeen waxaa logu magac daray Xeerka Kufsiga, Sinada iyo Xadgudubyada la Xidhiidhada( Xeer Lambar 78/2020).

Isbahaysiga ka hortaga tacadiyadda ku salaysan jinsiga iyo ururadda difaacayaasha xuquuqul insaanka ayaa isku raacay ka dib markay sameeyeen falanqayn ku saabsan sharciga cusub ee ay ansixiyeen Gollaha barlamaanka Somaliland.  Xoogta falanqaynta sharcigan waxay soo jeedinaysa in xeerkan cusub aanu ahayn mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo diinta islaamka markaa la eego galdalooloyinka uu leyahay xeerka cusubi. Isbahaysiga ururada bulshada rayidka ah waxay soo jeedinayaan, Hadii sharcigan ay goolaha saree guurtidu ay ansixiyaan waxa khatar gali doonta haweenka, hablaha iyo carruurta Somaliland, waxaanu noqon doona mid kor u sii qaada halisaha jira iyo xuquuq la,aanta haweenka Somaliland. Sharciga cusub wuxu si toos ah u tageerayaa dhib geystayaasha sameeyay kufsiga iyo tacadiyadda la xidhiidha.  Wax yaabihi kasoo baxay Falanqeynta xeerka cusub ee kufsiga, Sinada iyo xadgudubyadda la xidhiidha waxaa lagu soo koobey qodobo ka mid ah kuwaa hoos ku xusan.

Sharcigan cusub waa mid adag, luuqada lagu qorayna waa mid aan aad u caddayn, wuxuna Meesha ka saarayaa oggolaanshaha qeexitaanka kufsiga,  Sharciga cusub wuxuu raacayaa qaab la mid ah kii hore ee xeerka ciqaabta.

Xeerka wuxu sheegaya qof ka dhibbane ah ee la kufsaday, waa inuu caddeeya kufsiga ku dhacay ama xooga loo geystay, sida hanjabada ama afduubida  oo kale.

Dhibbanaha kufsi waa inuu caddeeyaa dhacdada xoog, qasabka, janabada ama afduubka loogu geystay. Hadii qofka cadayn u heli waayo qofka dhibanuhu wuxu mari doona ama lagu fulin doona xeerka Sinada, taasoo u dhigan in dhibanaha dhibku soo gaadhay lagu ciqaabi doono xeerka Sinada.

Qodobka 4aad FAL-DAMBIYEEDYADA SINADA IYO KUFSIGA B: Fal-Dambiyeed Sino (Sinada Labada Qof Isla Ogolyihiin), (2)Qofkasta oo ka sinaysta qof aanu gayin (maxramkiisa ah), waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqrada 1aad ee Qodobkan iyo ciqaab tacsiira oo ah xadhig u dhexeeya (10 ilaa 15 sanno), tacsiirtu waa hadii aanu ciqaabkiisu dil ahayn. Qodobkani waxaa uu ka soo horjeeda shareecada islaamka iyo ayaada suuratul al noor (1) waxaanu jidaynayaa in sinada lagu xukumo 10, ilaa 15 sano waxaanay kasoo horjeeda ayadan his ku xusan

Hindise-sharciyeedka ayaa tixgelinaya khataraha wax ku oolka ah ee carruurta ku nool guud ahaan Somaliland, ma aha oo keliya dhibbaneyaasha ama kuwa lagu soo eedeeyey dembiyada galmada.

Xeerka cusub ma sharraxayo waxa loola jeedo Ciqaabta xuduud. Laakiin fahamka guud waa in xuduud waxa loola jeedo karbaashid ama in meel fagaro ah dhagax lagu dilo, Tusaale ahaan, Sharciga wuxuu sheegayaa xuduud iyo xabsi labadaba waxaa lagu soo rogi doonaa kuwa lagu helo dambiga Zina ama kufsi haddii ciqaabta xuduud aysan ahayn dil. Tan macnaheedu waxa weeye Qoraalku wuxuu siinayaa garsoorayaasha inay ku xukumaan karbaash ama dhagax dil midba midka kale iyadoo ay kuxirantahay hadii eedeysanuhu aanu guursan ama uu guursaday, siday u kala horreeyaan Ciqaab isku mid ah ayaa ku dhici doonta kuwaa jidhkooda ka ganacsada.

Sharcigu wuxuu soo saarayaa laba ciqaab oo is barbar socda oo dambi kasta ah. Tusaale ahaan, waxay ku soo rogtaa dembiilayaasha kufsiga sameeya ciqaabta iyo xabsi gaaraya 5 ilaa 10 sano, illaa ciqaabta Huduud ay noqoto dilid mooye.

Qodobka 6aad; Faldambiyeed Khaniisnimo (1) Qof kasta oo u galmooda qof la jinsi ah si ogolaasho ah waxa uu galay faldambiyeed khaniisnimo (liwaad ama Homosexual) waxana lagu ciqaabayaa marka ay ku caddaato ciqaabta sinada ee ku xusan shareecada islaamka. (2) Qof kasta oo u galmooda qof la jinsi ah si khasab ah waxa uu galay faldambiyeed khaniisnimo Kufsi ah (liwaad ama Homosexual) waxana lagu ciqaabayaa marka ay ku caddaato ciqaabta sinada ee ku xusan shareecada islaamka iyo ciqaab xabsi ah (tacsiira) oo u dhexeeya (10 ilaa 20 sannadood) tacsiirtu waa hadii aan ciqaabkiisu dil ahayn. Qodobkani waxaa uu ka hor imanayaa shareecada islaamka sababtoo ah shareecadu ciqaabta dadka liwaadka sameeya waxay ku xukuntay xukun dil ah halka qodobkani ka dhigay 10-20 sano waxaanu ka soo horjeeda xadiizkii racsuulka iyo quraanka suurti acraaf 80-84.

kakanaanta nidaamka cadeynta ee uu faray Sharciga cusubi ma waafaqsana xeerarka cadeynta ee Xeerka Habka Ciqaabta. Sababtoo ah Sharcigu wuxuu leeyahay laba ciqaab oo isbarbar socda (a. Shareecada-Xuduud; iyo b. Xabsi), wuxuu bixiyaa laba caddeyn oo is barbar socda. Xuduud (afar markhaati ayaa loga bahan yahay) Xukun xabsi ah, markhaatiga laba markhaati oo lagu caddeeyey xaqiijinta dhexdhexaadka iyo caddaynta xaaladaha ayaa loo baahan yahay.

Sida ku cad qodobka 4 (T) (6) ee xeerka Sharciyeedka, haddii qofku kufsado oo uu dilo dhibanaha, ciqaabtiisu waa ciqaab dil ah. Laakiin haddii qoyska dhibbanaha ay aqbalaan magdhow lacageed (Diya) ama ay cafiyaan, dambiilaha ayaa xor noqon doona. Qoraalku waxa ku cad in dil la gaystay, lakin sidoo kale waxaa loo qeexi karaa in kiisaska kufisga oo dhan loo isticmaali karo, Sababtoo ah Sharcigu wuxuu ciqaab dil ku xukumayaa kiisas kale oo badan oo kufsi ah (tusaale ahaan haddii eedaysanuhu yahay qof xaas leh ama haddii uu geysto khiyaano aan dawo lahayn), su’aashu ayaa  ah in la aqbalo magdhawga dhiigga iyo cafiska.

Qodobada kor ku xusan waa qaar ka mid ah natiijooyinka falanqaynta sharciga ee sino iyo sharciga kale ee rabshadaha la xiriira (Lr.78 / 2020). Dhanka kale, Sharcigii hore ee dembiga kufsiga(Lr.78/2018) dhammaan daneeyayaasha, ururada bulshada rayidka ah iyo xubnaha kale ee bulshada  ayaa kaqeybqaatay sameyntisa. Si kastaba ha noqotee, xeerka Sharciyeedka cusub (Lr.78 / 2020) Ururrada bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale looma oggolaan inay ka qaybgalaan mana siin kuwa mas’uulka ka noqon doona fulinta xeerkan fursad ay kaga qayb qaataan samaynta xeerka cusub. Sidaa darteed, qoritaanka xeerku may ahayn furfurnaan iyo daah-furnaan ay ka muqaatay. Isbahaysiga ka hortaga tacadiyadda ka dhan haweenka Somaliland, sida ku cad natiijooyinka ka soo baxay talaqayntan, waxay noqon doontaa mid aad u adag in maxkamad la soo taago dhibgeystaha kufsiga

Isbahaysiga Somaliland ka hortaga tacadiyadda ka dhan ka ah haweenka wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi inuu tixgeliyo codka ururada bulshada rayidka ah ee haddii la ansixiyo xeerkan-sharciyeedkan dumar badan, gabdho iyo carruurba  ayaa khatar gali doona. Golaha Guurtida waa inay ixtiraamaan xuquuqda dastuurka Somaliland siiyaa haweenka, gabdhaha iyo caruurta.