Tallaal Cusub Oo Ka Hortegaya Kansarka Ayaa La Filayaa In Uu Noqdo Guushii Ugu Weynayd Qarnigan Ee Dhinaca Cilmiga Ah

0
1041

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan helay dawo lagu tilmaamay tii kama dambaysta ahayd ee awoodda u lahayd in ay joojiso cudurka Kansarka oo farabaas ku haya dunida. Dawadan ayaa la filayaa in ay noqoto guushii ugu weynayd dhinaca cilmiga ee illaa hadda la gaadho qarningan kow iyo labaatanaad. Waxa aana illaa hadda la ansixiyey in dawadasaas lagula dagaalamo laba nooc oo kansarka ka mid ah.
Cilmibaadhayaasha dawadan cusub helay ayaa sheegay in ay tahay dawo kaalin muhiim ah ka gelaysa la dagaallanka kansarka, iyaga oo sheegay in dawadani ay awood u leedahay burburinta burooyinka kansarka iyo sida oo kale in ay tirtirto raadka ay burooyinkaasi ka tagayaan.
Dawadan ayaa ay xeeldheereyaasha soo saaray sheegeen in ay tahay hab qiime ahaan jaban, waxtar ahaanna dhaqso badan oo lagu daweyn karo Kansarka, iyada oo weliba ah dawo ka badqabta inta badan ee raadadka taban ee dawooyinka xanuunka kansarka lagu daweeyaa ka tagaan.
Dawadan ayaa si rasmi ah loogu fasaxay in loo adeegsado kansarka noocyadiisa Leukemia oo ku dhaca unugyada cas ee dhiigga iyo Lymphoma oo ku dhaca unugyada la dagaallama caabuqa ee difaaca jidhka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here