Tallaabooyin Ay Khubarada Cilmi Nafsigu Ku Taliyeen In Lagu Daweyn Karo Khajilaadda

0
822

Hargeysa (Geeska)- Khajilaadda oo ah xanuun nafsiya oo inta badan qofka ka hor istaaga horumar badan oo uu gaadhi lahaa ayaa lagu sheegaa in sababtiisu tahay qofkan khajilaya oo carruurnimadiisii aan loo diyaarin in uu la hadli karo dad tiro badan, ama ka waaweyn iyo weliba in la baro la noolaanshiyaha iyo dhex galka bulshada.

Aqoonyahannada cilmi nafsiga ayaa sheegay in ay jiraan saddex taallaabo oo lagula tacaali karo khajilaadda. Waxa aanay kala yihiin:

1. Waa qofka oo is dareensiiya in aanu keli ku ahayn dareenka khajilaadda ee dadka oo dhami la qabaan, gaar ahaan marka uu qofku u soo ban baxo nolol keensanaysa inuu la macaamilo dad tiro badan.

2. Naftaada ha u sheegin inay khajilayso iyo in aanay ku dhacayn inaad la hadasho ama la macaamisho dad badan ama kaa mustawo sareeya oo kugu xeeran.

3. Dawo kale waxa ah in aad naftaada ku kalsoonaato marka aad dadka la macaamilayso, waxa ay tani keenaysaa in dadka kugu xeerani kula macaamilaan si ixtiraam ku dheehan yahay, inaad ku dhiirato la hadalka dadka aanad garanayn iyo inaad is barto inaad si caadi ah ula hadli karto cid kaa mustawo sarraysa.