Tallaabo Ciqaabeed Uu Facebook U Diyaariyey Saaxiibbada Rabshadda Badan

0
819

Washington (Geeska)- Shabakadda xidhiidhka bulshada ee ugu weyn dunida ayaa ku dhawaaqday in ay dhowaan bilaabayso tallaabooyin ciqaab ah oo ay ka qaadayso saaxiibbada loo arko in ay dadka kale dhibaato ama rabshad ku hayaan. Shabakadda Facebook waxa ay sheegtay in hadda kadib qofka la arko in uu si aad u xad dhaaf ah qoraallo ama ‘Links’ u soo dhigayo boggiisa bogga wararka cusub loogu talogalay ee ‘News Feed’ ay qarsoomi doonaan farriimihiisu, si dadka kale looga ilaaliyo in uu boggoodan ka mashquuliyo oo xogo kale oo cusub oo ay arki lahaayeen uu qoraalka qofkani hoos u riixo.

Warmurtiyeed ay shirkaddu soo saartay toddobaadkii hore ayaa ay ku caddaysay in ay soo kordhin doonto adeeggan cusub iyada oo ujeedadu tahay in la yareeyo ‘Links’ ka macno darrada ah ee dadka qaar Facebook soo dhigaan. Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa intaas ku daraya, in sahamin ay shirkadda Facebook samaysay lagu ogaaday in dad aad u tiro yar oo ka mid ah macaamiisha shirkaddu ay caado ka dhigteen in ay si aan kala joogsi lahayn maalintii u soo geliyaan farriimo iyo ‘Link’ yo kala duwan, taas oo sababta in dadka dadkaas ku xidhan boggooda ay ka arki lahaayeen hadba waxa soo kordha mashquuliyaan oo waxyaabo muhiim ah oo cusub ay hoso geeyaan sidaasna qofka ku dhaafaan.

Masuuliyiinta Facebook waxa ay sheegeen in dadkan oo ay ku magacaabeen ‘Dadka ku talaxtaga faafinta’ ay inta badan yihiin dadka Facebook soo dhiga waxyaabaha ugu tayada liita, sidaa awgeedna ay shirkaddu iyada oo ka duulaysay baadhista ay samaysay go’aansatay in wax kasta oo ay soo dhigaan ay hoos u dhigto oo waxyaabaha kale ee qofka hore ugu sii yaallay boggiisa aanay hoos u dhicin.

Siyaasaddan cusub waxaa lagu fulin doonaa farriimaha shakhsiga ah ee wata lingaxyo ‘Links’ diibadda ka ah qoraalka laakiin saamayn kuma yeelan doonto qoraallada, sawirrada, codadka iyo Fiidyowyada sida tooska ah facebook loo soo dhex dhigo.

Dhinaca kalana waxaa jira warbixinno soo baxaya oo sheegaya in Facebook ay dhowaan soo deyn doonto adeeg cusub oo ku dhex shaqaynaya adeeggeeda Messenger ka, kaas oo lagu magacaabo ‘Discover’ ujeedadiisuna tahay in ay macaamiisha u fududayso in ay helaan bogagga shirkadaha iyo qolalka iska furan ee sheekada iyo xidhiidhka bulsho.