Marwada Madaxweynaha Oo Odaygeeda Ku Ammaantay Shaqo Badnaan Iyo Dedaal

1
771

 

waris

Marwada koowaad ee jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina-Waris Maxamed Jirde ayaa madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku tilmaamtay nin shaqo badan oo habeen iyo maalinba u taagan sidii uu fursado shaqo ugu abuuri lahaa muwaadiniinta iyo sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka nololeed ee bulshada.

Marwada oo dhowaan mar ay ka mid ahayd wafti madaxweyne Siilaanyo u hoggaamiyey dalka China, waraysi magaalada Addis Ababa ku siisay wargeysa Sub-saharan Informer ee ka soo baxa Itoobiya waxa ay sheegtay in ay ku guulaysteen kordhinta mushaharaadka iyo in ay dadaal ugu jiraan ka dhabaynta barnaamijkii siyaasiga ahaa ee ay ku galeen ololaha doorashada. “ Madaxweynuhu wuxuu shaqeeyaa habeen iyo maalin si uu u abuuro fursado shaqo korna ugu qaado heerka nololeed ee mujtamaca.  Illaa hadda waxa aanu ku guulaysannay in aanu laban-laabno mushaharka xoogagga amniga, milateriga iyo shaqaalaha rayidka ah, haddana intaas weli kuma raalli nihin ee waxa aanu sii wadi doonnaa dadaal xooggan ee aanu ku gaadhi doonno himilooyinka xukuumadda” ayaa ay Marwo Aamina ku tidhi waraysigaas, oo ay sidoo kale ku sheegtay in ay lacagtii giimbaarta ahayd ka beddeleen gobolka Togdheer, kharashka kaga baxay beddelka lacagtaasna ku sheegta 3 milyan oo doolarka Maraykanka ah. “Waxaa sidoo kale jira mashaariic kale oo ku soo jira jidka” ayaa ay marwada koowaad ku tidhi waraysigan iyada oo doonaysa in ay muujiso in wax qabadka xukuumadda odaygeedu hoggaamiyaa aanay intaas ku koobnaan doonin.  

Waraysigan oo qayb yar oo ka mid ah uun uu wargeysku sii daayey, balse isaga oo dhamaystiran la filayo maalmaha soo socda waxa ay marwadu ku ballan qaaday in ay ka shaqayn doonto horumarinta dumarka Somaliland iyo dhisidda awooddooda ay kaga qayb qaadanayaan horumarinta oo ay ku jirto in ay helaan jid ay u maraan siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Somaliland.

Marwo Aamina waxa ay waraysigan kaga hadlaysaa halgankii dib u xoraynta iyo sida ay dumarku u ahaayeen xoogga gacan siinayey dagaal yahankii xornimo doonka, iyo weliba kaalintii ay markii dambe ka qaateen nabadaynta dalka. iyada oo sheegtay in iyadu qaadhaanka SNM loogu talo galay ka ururin jirtay dadkii deggenaa dalka Ingiriiska oo ay markaa joogtay, “Waxa aan ku noolaa London, oo aan daryeelayey carruurtayda, isla markaana waxa aan ururinayey qaadhaanka la siinayo SNM oo uu hoggaaminayey ninkayga oo imikana ah madaxweynaha Somaliland, marka aan hawshan ku jiray, waxa aan dhanka kalana ka dhiganayey jaamacadda. Runtii ma’ay ahayn hawl ay qabashadeedu fududahay, laakiin waan qabtay, waayo waxa aan u arkayey in ay qayb ka tahay halganka” ayaa ay tidhi marwo Amiina waris. Waxa aanay ballan qaadday in dawladdu ay dumarka kuraas kooto ah uga xidhi doonto labada aqal ee baarlamanka Somaliland, iyada oo sheegtay in ay illaa hadda saddex dumar ah ku soo dareen golaha wasiirrada. “Waxa aan ku kalsoonahay in golaha wakiilladu ay ansixin doonaan, sharci ogolaanaya in ay dumarku saami kooto ah ku yeeshaan labada gole” ayaa ay tidhi Marwadu.

Iyada oo wacad ku martay in wax ay ugu yeedhay kaalin taariikhi ah ay ka qaadan doonto sidii ay dumarka u soo saari lahayd sallaanka siyaasadda, si codkooda looga dhex maqlo baarlamanka, iyo weliba in ay ka caawin doonto dumarku in ay kaalin muuqata ku yeeshaan arrimaha bulshada iyo ganacsiga. Waraysigan oo dhamaystiran haddii ay suurtogasho waxa aanu idinku soo gudbin doonnaa cadadyada soo socda marka uu wargeyska sub-saharan sii wada daayo.

Comments are closed.