Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Sucuudiga Oo Sheegay Sababta Uu Maraykanku Badda Ugu Tuuray Maydkii Usaama

0
927

Riyaad (Geeska)- Taliyihii hore ee sirdoonka Scuudiga Amiir Turki Al-Faysal ayaa sheegay in sababta uu Maraykanku badda ugu tuuray maydka Usaama Bin Laadin ay ahayd cabsi uu ka qabo in qabrigiisu uu noqdo meel la yaqaanno oo dadka aragtidiisa raacsan iyo dadka xiisaynaya taariikhdiisu ku siyaartaan.

Laakiin Amiir Turki Al-faysal oo ka mid ah qoyska boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa sheegay in aanu garanayn sabab Maraykanka

ku kalliftay in ay dilaan Usaama Bin Laadin, halkii ay ka ahayd in ay qabtaan.

Dad badan ayaa aaminsan in ciidamada Maraykanku ay nolosha ku qaban karayeen Usaama Bin Laadin, laakiin Maraykanku waxa uu ku andacoodaa in hoggaamiyaha Alqaacida uu hubaysnaa markii ay qolkiisa ugu galeen, sidaa awgeed aanay suurtagal ahayn in nolol lagu qabto.

Amiir Turki waxa uu sheegay in falka uu sameeyey Usaama Bin Laadin uu aad ugu feejignaa ammaankiisa, caadana ka dhigtay in uu si joogto ah u bed-beddelo halka uu degayo si aan loo helin.

Sida la ogyahay Usaama Bin Laadin waxa uu ka soo jeedaa qoys aad u ballaadhan oo magac iyo maal ku leh Sucuudiga, sida oo kalana xidhiidh dhow la lahaa qoyska boqortooyada. Sida hore loo ogaadayna marar kala duwan ayaa ay dhacday in xubnaha qoyskiisa ee aad ugu dhow, oo ay hooyadii ka mid tahay ay marar kala duwan tageen dalka Afqaanistaan oo ay kula soo kulmeen Usaama Bin Laadin.

Taliyihii hore ee sirdoonka Suduudiga oo la weydiiyey sababta uu Sucuudigu xubnaha qoyska ugu ogolaaday booqashooyinkaas ayaa sheegay in ay ahayd uun sabab la xidhiidha bani’aadamnimada.

Bilowgii dhismaha dawladdii Daalibaan, Qaramada Midoobey iyo dalal badan oo Sucuudiga iyo Baakistaan ka mid yihiin waxa ay u aqoonsadeen dawladda sharciga ah ee dalkaas, waxaanay u ogolaadeen in danjireyaal ay dawladdaasi u soo dirsato. Intii aanu dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Sucuudigu bilaaban iyo ka horna dalka Sucuudigu waxa uu marar kala duwan dadaal u galay in Daalibaan ay u dhiibto Usaama Bin Laadin.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Sucuudiga oo waraysi gaar ah siiyey talefishanka Alcarabiya waxa kale oo uu sheegay in dalka Sucuudigu uu marar kala duwan Daalibaan ka dalbaday in ay u soo dhiibto Usaama Bin Laadin. Iyo in isaga laf ahaantiisu uu dhowr jeer ergo ugu tegey Daalibaan, laakiin uu Mullaah Cumar oo Daalibaan hoggaaminayey ka diiday in Usaama loo dhiibo.

Isaga oo intaas ku daray in ugu dambayntii uu Mullah Cumar uga digay in go’aankaas dhiibis la’aanta Usaama ay dhibaato weyn gaadhsiin doonto Afqaanistaan, waxa aanu kula taliyey in uu go’aankaas dib uga fikiro. Isaga oo intaas ku daray in ugu dambayntii ay diidmadaasi keentay in Sucuudigu xidhiidhka u jaro dawladdii Afqaanistaan ee ay Daalibaanku hoggaaminayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here